Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda oo ka qayb galay daah furkii Masters Program ee ka dhacay Jaamacadda Bariga Afrika

Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Waxbarashadda ee Dawlada Puntland ayaa ka qayb galay munaasabad lagu daah furayay Barnaamij waxbarasho ah oo Masters Program ah, kaas oo ay bixinayso Jaamacada Nairobi ee dalka Kenya halka ay fududaynayso jaamacadda Bariga Africa, isla markaasna dhaqaalaha ku baxaya ay ku deeqday EU iyada oo soo marinaysa hayada CfBT.

Sidoo kale barnaamijkaan waxaa soo dhiraan dhirisay hayada CfBT (Centre for British Teachers) iyada oo kaashanaysa wasaaradda waxbarashadda Puntland.

Munaasabadaas ayaa waxaa hadalo qiimo leh ka soo jeediyay Wasiirka waxbarashada iyo Shiikh Maxamuud Yuusuf oo ah madaxa Jaamacada Bariga Africa faraceeda Garowe iyo Abdixakiim oo isaguna u hadlay hayada CfBT.

Dhamaan masuuyihiintii ka hadashay waxay sheegeen in fursadaani ay tahay mid qaali ah loona baahan yahay in ay ka faa’iidaystaan ardayda fursada u heshay.

Tiradda ardayda ka faaiidaysanaysa ayaa waxa ay gaarayaan 60 arday oo isugu jira kuwo deeq waxbarasho ku baranaya halja kuwo kale ay iyagu iska bixinayaan lacagta. Ardaydaan ayaa waxa ay ka kala yimaadeen dhamaan gobolada Puntland iyo koorfurta Soomaaliya.

Barnaamijkaan waxa uu dabo socdaa barnaamij Post Graduate Diploma ah oo hada ka hor ay fulinaysay jaamacadda Islamic ee ku taal dalka Uganda.

Isku soo duu boo waxaa la oran karaa waxaa muuqata fursado ku aadan waxbarashada sare ah kuwaas oo laga hirgalinayo jaamacada Puntland, dhawaan bay ahayd markii jaamacada PSU (Puntland State University) ay heshiisyo la gashay jaamacad ku taal dalka Kenya oo lagu magacaabo Jomo Kenya University of Agriculture and Technology (JKUAT).

Daawo sawiraddii daahfurka munaasabada.

 

 

Deeq Maxamed Warsame

Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Contact Number+25257743400

 

Scroll to Top