Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare oo ka qayb galay munaasabad ku aadanayd soo bandhigida Siyaasada dadka baahiyaha gaarka ah leh ee reer Puntland.

23.03.2015: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyoTacliinta Sare ee Dawladda Puntland Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa maanta ka qeyb galay Munaasabad lagu soo bandhigayay Siyaasada cusub ee lagu maamuli doono dadka Naafada ah ee ku nool Puntland.

Munaasabada oo lagu qabtay xarunta Hay’ada PDRC Garowe, ayaa wasiirka waxbarashada wuxuu mar kale ku celiyay balanqaadkooda ku aadan inay sanadkaan 2015-ka ay  door muuqda waxbarashada ku yeelan doonaan dadka qaba baahiyaha gaarka ah, kuwaas oo aan si wanaagsan haatan uga dhex muuqan waxbarashada Puntland.

Mudane Cali Xaaji Warsame waxa uu sheegay in waxbarashadu ay tahay adeeg loo wada siman yahay isla markaasna dadka baahiyaha gaarka ah leh ay xaq u leeyihiin in ay helaan waxbarasho tayo leh, nooca waxbarasho ay helayaan waa in ay noqotaa mid ku haboon awooda u leeyahay qofka baahiyaha gaarka ah leh.

“Waxaan xoojinaynaa in sanad kasta qorshaha wasaaradda waxbarashada ay ka dhex muuqdaan dadka qaba baahida gaarka ah. aniga balanqaadkayga waa sidaas,” ayuu yiri Wasiir Cali Xaaji.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA

IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND

 Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia.

 

 

Scroll to Top