WASIIRKA WASAARADDA WAXBARASHADA PUNTLAND MUDANE. CALI XAAJI WARSAME OO UU WEHELIYO WASIIR KU XIGEENKA PROF. MAXAMED CALI FAARAX OO KORMEER KU TAGAY DUGSIGA HOOSE/DHEXE IYO SARE EE AL-WAXA EE KU YAAL MAGAALADA GAROOWE

Garoowe: Wasiirka Wasaaradda Waxbrashadda Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame iyo Prof. Maxamed Cali Faarax ayaa kormeer ku tagay Iskoolka Al-waha. Ujeedada kormeerkaan ayaa waxa uu ahaa in ay wasiiraddu u kuur galaan xaalada waxbarasho ee ka jirta iskooladda puntland.

Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka ayaa khudbado kala duwan u soo jeediyay ardayda wax ka barata iskoolka Al Waxa. Khudbadahaas waxay ahaayeen kuwo dhiiri-gelin siinaya ardayda. Wasiiradu waxa ay ka hadleen in Iskoolka Al-waha uu yahay iskuuladii ugu horeeyay ee Puntland laga asaasay ka dib burburkii dawladnimo ee wadanka ka dhacay. Sidoo kale, wasiiradu waxay uga digeen dhalinta wax ka barata iskoolka Al-waxa in aysan marnaba ku fakerin in ay tahriibaan oo ka tagaan waxbarashadooda.

Intaa ka dib wasiiradu waxa ay ardayda fasalka 8-ka ah ee dugsiga H/Dhexe iyo fasalka Form 4-ka ah ku wargeliyeen in imtixaanaadkii kama danbaysta ahaa uu ku soo  fool leeyahay lagana rabo in ay dadaalaan oo akhris badan sameeyaan iyaga oo dhexdooda iska kala faa’iideysanaya wixii ku adkaadana ay la shaakadaan macalimiintooda. Wasiiradu waxa ay xuseen in iskoolka Al-waxa uu kaalin fiican ka galay imtixaankii sanadkii u dambeeyay.

Wasiiradu waxa ay ardayda u balan qaadeen  in ay  si cadaalad ah ugu shaqayn doonaan, xili kastana la garab taagan yihiin hormarka waxbarashada, waxayna balan ku qaadeen in ay is bedel la imaan doonan si loo dhamaystiro baahiyaha kala duwan ee ka jira waxbarashadda deegaamada Puntland.

Kormeerkaan ma ahayn kii ugu horeeyay ee wasiiradu sameeyeen ilaa iyo intii ay xilka la wareegeen. Balse waxay kulamo iyo kormeero noocaan oo kale ah ku sameeyeen iskuulo ku kala yaal magaalooyinka Garoowe iyo Galkacyo. Waxaanaa dhawaan la filayaa in ay ku tagaan iskuulada ku yaal goboladda iyo degmooyinka kale ee Puntland.

Ugu danbayntii wasiiradu waxay u mahad celiyeen maamulka iyo macalimiinta Iskuulka Al-Waxa, kuna booriyeen in ay shaqada ay dadka iyo dalka u hayaan ay halkaa ka sii wadaan.

Daawo Sawiradda Kormeerka Iskoolka Al-Waxa ay wasiiradu ku tageen.

 Deeq maxamed warsame(hurevov)

Wasaaradda waxbarashada dowlada puntland.

contact number+2525743400

 

Scroll to Top