Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland oo kormeeray Goobaha waxbarasho Galkacyo

16/09/2015-Kormeerkan ayaa waxaa wasiirka ku wehliyay Maamulka Gobolka Mudug Gudoomiyaha waxbarashada Gobolka Bashiir Axmad khalaf iyo masuuliyiin kale waxuuna booqday qeybo kamida Schoolada Gaalkacyo .

Wasiirka Wax-barashada Dowlada Puntland Pro Abshir Yusuf Ciise iskuulada uu booqday waxaa kamid ahaa Iskuulka Yameyska , Cumar Samatar , iyo dugsiga hoose /dhexe ee Salaama ee Magaalada Galkacyo waxa uuna la kulmay Ardayda, macaliminta iyo maamulka iskuuladaasi.

Pro. Abshir Yusuf Ciise oo shalay soo gaaray Gaalkacyo ayaa la wareegi doona xarumo waxbarasho oo ay dowlada la wareegtay kadib markii Gaalkacyo laga bilaabay in dib gacanta dowlada loogu soo cesho guryihii dowladii dhexe.

Sidoo kale wasiirka ayaa la kulmi doona inta uu Gaalkacyo ku suganyahay Macalimiinta iyo Maamulayaasha Xarumaha Waxbarasho ee Dagmada Gaalkacyo booqashadiisa ay qeyb ka tahay ogaanshaha Tayada waxbarasho ee Dagmada.

Wasiirka ayaa sheegay in dowlada Puntland ay xooga saartay kor u qaadida tayada waxbarashada Puntland sedexdii sano ee la soo dhaafayna ay muuqato in ay kor u kacday tayada waxbarashada.

”Macalimiinta ayaan xooga saari doonaa tabaradooda si loo helo macalimiin heer sare taasi waxa sahleysaa in la helo arday wanaagsan, waxbarashada kuma eka caruurta o kaliya waxaa loo baahanyahay in dadka waa weyna wax labaro inta u baahan” ayuu yiri wasiirka.

Arrimaha uu wasiirka ka hadlay waxaa kamdi ahaa midaynta manhajka waxbarashada ee loo diyaariyay fasalka koobaad ilaa sideedaadka sidoo kalan amaanay ardaydii ay kula kulmeen maantay iskuulada uu buuqday.

                        Daawo Sawiradda.

10 11

161514161312111022232425262728IMG-20150917-WA0001IMG-20150917-WA0002IMG-20150917-WA0003IMG-20150917-WA0004IMG-20150917-WA0005IMG-20150917-WA0006IMG-20150917-WA0007IMG-20150917-WA000814151611162523211917IMG-20150917-WA0000282726IMG-20150917-WA0007IMG-20150917-WA0006IMG-20150917-WA0003IMG-20150917-WA0002IMG-20150917-WA0000IMG-20150917-WA0005















 

 

 

Scroll to Top