Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Puntland oo Booqday Dugsiga Sare Ee Gambool.

10/Feb/2015,Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa saakay  ku tagay  Dugsiga Sare ee Gambool  , waxaana dugsiga ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal Xaashi Xuseen Faarax, Maamulka dugsiga, Macalimiinta iyo Ardayda.

Wasiirka ayaa ardayda kala hadlay Fagaaraha dugsiga wuxuuna Wasiirku Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda uga mahad celiyey soo dhaweyntoodii wanaagsanayd wuxuuna sidoo kale  Maamulka dugsiga ku amaanay shaqada culus ee ay hayaan , dhanka kale Wasiir Cali Xaaji ayaa Ardayda ku dhiirigaliyay inay sii wadaan Waxbarashadooda ayna yihiin Ubixii dalka iyo mustaqbalkii hoggaanka dalka, Wasiirka oo khudbad dhinacya badan taabanaysa u jeediyey Ardayda ayaa ugu bishaareeyey in Puntland ay yeelatay Manhaj Waxbarasho oo dhamaystiran kaas oo wax weyn ka badali doona habka  Waxbarashada Puntland, sidoo kale Wasiirka ayaa Ardayda ku dhiirigaliyay inay qaybtooda ka qaataan hormarinta Waxbarashada Puntland  iyo ka qayb qaadashada ka shaqaynta Amniga dalka.

Intii ay socotay booqashada uu Wasiirka Waxbarashadu ku marayey dugsiga Sare ee Gambool waxay Ardaydu su’aalo weydiiyeen Wasiirka, Wasiirku ayaa uga jawaabay Ardayda su’alihii ay weydiiyeen wuxuuna ku booriyey in Ardaydu ay masuuliyiinta u yimaada ay weydiiyaan su’alo si ay wax uga ogaadaan shaqooyinka ballaaran ee laga hayo hormarinta Waxbarashada dalka iyo halka uu marayo hiigsiga Waxbarashada Puntland.

Boqoshadaan ayaa qeyb ka ah booqashooyin uu Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Puntland Cali Xaaji Warsame  ku tagayey Asbuucyadaan dugsiyada Hoose/Dhexe iyo kuwa Sare ee Puntland, booqashooyinkaa ayaa  ujeedkoodu tahay sidii dhallaanka waxbarashada ku guda jira loogu dhiirigalin lahaa siiwadashada Waxbarashadooda iyo sidii Ardayda loola wadaagi lahaa fikradahooda si looga faaiidaysto maskaxdooda.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA

IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND

 Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia.

 

 

 

Scroll to Top