Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo Xariga ka jaray Dugsiga Hoose Dhexe ee Imaam Shaafici Maglada Qardho.

10/Agasto/2017- Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Puntland Prof, Abshir Yusuf Aw-Ciise ayaa taariikhdu markay ahayd 08/08/2017, waxa uu  safar shaqo ku tagay degmada Qardho ee gobolka Karkaar, safarkaas oo isugu jiray furitaan School H/Dhexe oo lagu magacaabo Imam Al-Shaafici, sidoo kale waxaa uu kormeray xarumaha waxbarashada gobolka iyo degmada waxa uu warbixin ka dhegeystay mas’uuliyiinta waxbarashada gobolka, sidoo kale waxa uu kulan la qaatay madaxda hay’ada Save the Children iyo maamulka degmada Qardho.

Furitaanki Dugsiga Hoose Dhexe ee Imaam Shaafici

Wasiirka ayaa booqday xarigana ka jaray xaflad lagu furayey school hoose dhexe ee Imam Al-Shaafici, xaflada waxaa kasoo qayb galay maamulka schoolka, guddiga waalidiinta, maamulka waxbarashada degmada, madaxda ha’ada Save the Children iyo maamulka degmada Qardho.

Ugu horeyn waxa ka hadlay xaflada maamulka schoolka Imam Al-shaafici  Sheikh Maxamed  Axmed Faarax(Dabiix) wuxuuna bogaadin iyo mahadnaq u soo jeediyey madaxdii goobta fadhiday kadib waxa uu si gaar ah ugu mahad naqay  Wasaarada waxbarashada uu wasiirku ugu horeeyo iyo hay’ada Save the Children dismaha quruxda badan ay u dhiseen schoolka, sidoo kale wuxuu codsaday in baahidi schoolka oo wax yar ka dhiman yihiin loo dhamaystiro.

Mahad Yusuf gacayte  kormeeraha Waxbarashada Gobolka  ayaa Wasaarada ku amaanay waxqabadka baaxa leh ay ka wado degmada qardho iyo guud ahaanba gobolka karkaar.

Madaxa  hay’ada Save the Children ee Puntland C/qafaar Xaaange oo goobta ka hadlay waxa uu aad ugu dheeraaday waxqabadka SCH ka wado Puntland sidoo kale waxa uu mahad celin u jeediyey Wasaarada Waxbarashada sida hagar la’aanta ah ay ugu taagantahay sidii arday walba oo Puntland ku nool u heli lahaa waxbarasho tayo leh.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Wakiilka hay’ada Save the Children ee Somalia Mr, Xassan Nuur Saadi, mahad celin kadib waxa uu la dardaarmay ardadii goobta ku sugnayd ee schoolka dhiganaysay, wuxuuna tusaale ugu soo qaatay qiimaha waxbarashadu leedahay magaca lagu xusay schoolka ee Imam Shaafici, wuxuuna u sheegay in Shaafici magaca iyo darajada uu ku gaaray waxbarasho.

Waxa hadalka lagu soo dhoweeyey gudoomiyaha degmada Qardho Cabdi Siciid Dheere, wuxuu bogaadiyey kaalinta wasaarada waxbarashada kaga jirto horumarinta degmada Qardho wuxuuna balan qaaday in degmadu si hagar la’aan ah isu garab istaagto Wasaarada Waxbarashada intaas kadib wuxuu makorofoonka kusoo dhoweeye wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare  Puntland.

Prof, Abshir Yuusuf Aw-Ciise Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta ayaa soo xiray xaflada wuxuuna u mahad celiyey dhamaan kasoo qaybgalayaashi madasha, wuxuu xusay taariikhda waxbarasho ee degmada Qardho iyo siday muhiim ugu ahaan jirtay guud ahaan gobolkadii la isku oran jiray Waqooyi Bari, sidoo kale wuxuu si gaar ah u bogaadiyey hay’ada Save the Children kaalinta.

Hoos ka Daawo Sawirada.

20773506_10209027316632668_1982918291_o 1 2-1 4-1 5 10 11-1 13 16 20707049_10209027331753046_1249646108_o 20707304_10209027160908775_1689691521_o 20707382_10209027220310260_1054548807_o 20726838_10209027241910800_221866757_o 20727126_10209027338073204_1787098138_o 20747812_10209027279311735_556696624_o 20771662_10209027189749496_1536529634_o 20773239_10209027215590142_126880710_o

20726838_10209027241910800_221866757_o 20707382_10209027220310260_1054548807_o 4-1 20707304_10209027160908775_1689691521_o 20707382_10209027220310260_1054548807_o 20727126_10209027338073204_1787098138_o 20773239_10209027215590142_126880710_o 20773506_10209027316632668_1982918291_o

Madaxa isku Xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Deeq Maxamed Warasame. (Hurevov)

Scroll to Top