Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo safar shaqo u aaday dalka Ethiopia.

28/05/2017- Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Prof: Abshir Yuusuf Aw ciise ayaa maanta safar shaqo ugu dhoofay dalka Ethiopia gaar ahaan magaalada Adis ababa.

Wasiirka waxbarashada oo la hadlay Moepuntland.com ayaa u sheegay inuu ka qeybgalidoona shir looga hadlayo waxbarashada Soomaaliya gaar ahaan caawinta Deeqaha Waxbarsahada iyo   dugsiyada farsamada gacanta iyo Guud ahaan Waxbarashada kaasoo lagu qabandoono Adis ababa.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacilinta sare ee Dowlada Punland ayaa sheegay inuu shirkaan furmidoon todobaadkaan dhammaadkiisa islamarkaana uu kamid yahay mas’uuliyiinta lagu casuumay.

Waxaa uu sheegay inay shirkaan gayndoonaan baahida loo qabo in kor loo aado fursamada gacanta Soomaaliya si xirfado loogu helo dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la’aanta dalka ku haysata iyo kordhinta deeqaha Waxbarashada ardayda Puntland la siiyo.

Wasiir Abshir yuusuf Aw ciise ayaa safarkisii 3aad diba ugu baxay inta uu ahaa Wasiirka Waxbarashada Puntland.

Jasiirada Sicily, Dalka Kenya iyo Dalka Ethiopia.

Dalka Ethiopia ayaa Wasaaradda Waxbarashada ee Dowlada Puntland ka heshaa Deeqaha Waxbarashada ugu badan marka laga reebo Dalka Suudan.

 

Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Deeq Maxamed Warsame.

Scroll to Top