Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland oo kormeer ku Tagay Dugsiga sare ee Gambool iyo Dugsiga hoose/dhaxe darwiish ee Magaalada Garowe.

 

 

 

 

 

 

 

 

06/10/2015,Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Puntland Mudane Abshir Aw yuusuf ciise  ayaa maanta kormeer booqosho ku tagay Dugsiga sare ee Gambool iyo Dugsi hoose/dhaxe ee Darwiish ee Magaalada Garowe. Isagoo horay u soo Maray bishii la soo dhaafay Gobolada Bari iyo Mudug.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Abshir Aw yuusuf ciise iyo Gudoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Nugaal Xaashi xuseen Faarax aya Waheliyey Kormeerka  Wafdigiisa oo ku hormaray Dugsiga sare Gambool  ayaa soo dhoweyn diiran ay kala kulmeen Maamulka,Macalimiinta iyo Ardayda ‘’dugsiga sare ee Gambool..

Mudan Abshir Aw yuusuf  ciise  ayaa  intii uu ku sugnaa Dugsiga sare  Gambool  boqolal araday ah kula hadlay Daabuurka  kadbna Su’aalo ardaydu waydiyeen kadiba  indha-indheeyay hannaanka ay Wax-u-baranayaan Ardaydu,waxaana uu Ardayda ku booriyay inay ka dhabeeyaan talaabada ay ku doonayaan inay kaga Miro-dhaliyaan hankooda Waxbarasho Mustaqbalka.

Wasiir Abshir ayaa Ardayda uga digay Tahriibta,wuxuuna xusay in muhiim ay tahay inay isu diyaariyaan Imtixaamaadka kuso fool leh,ayna muujiyaan dadaal balaaran.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa Ardayda ka codsaday inay u faa’iideeyaan Bulshadooda bilaha fasaxa,wuxuu sheegay in Wasaaraddu ay hormar balaaran gaarsiin doonto Waxbarashadda Puntland.

Kadib Wasiirka ayaa booqashadisii kormeerka ku tagay Dugsiga  hoose/ dhaxe ee Da’da wayn ee darwiish, kadinaba la kulamay  Maamulka,Macalimiinta iyo Ardayda fasalada 8aad iyo  7aad iyo 1aad iyo 2aad ayaa soo dhoweeyay Wasiirka iyo Wafdigiisa,waxaana uu kulan saacado socday la qaatay Ardayda wax ka barata dugsigaas.

Darwiish ayaa ah Waxaa dhiga macalimiinta ugu badan ee Hawwenay puntland Wax ka dhiga.

Waxaana Wasiirka u sheegay Dugsiaydda dhaxe/hoose Aradyda dhigata in sanad-kaan ku bilaaban doonan Manhaj cusub.

Waxuuna aad ugu Mahad celiyey Wasiirku,  Wasiiradii hore Shaqadii balaaranayd ee Waasarada ka soo Qabteen, Waxa kaloo mahad u celiyey Jaaliayada Reer puntland oo ku nool wadanka maraykanka iyagoo soo dhiibay boqolal buuga oo ah.

Aradyda reer puntland ayaa asbuucan loo qaybinayaa buugag Wax akkris oo isku jira dugsi dare iyo Tacliinta sare.

Hoos Ka daawo Sawiradda.

IMG_1412 IMG_1383 IMG_1381 IMG_1380 IMG_1377 IMG_1379 IMG_1376 IMG_1363 IMG_1362

IMG_1371 IMG_1370 IMG_1368 IMG_1376 IMG_1360 IMG_1359 IMG_1383 IMG_1412 IMG_1384 IMG_1413 IMG_1395

IMG_1456 IMG_1455 IMG_1453 IMG_1436 IMG_1411 IMG_1433 IMG_1428 IMG_1427 IMG_1439IMG_1487 IMG_1503 IMG_1508 IMG_1503 IMG_1565 IMG_1533 IMG_1542 IMG_1554 IMG_1436 IMG_1497 IMG_1554 IMG_1485

 

IMG_1497 IMG_1503 IMG_1505 IMG_1554 IMG_1560 IMG_1485 IMG_1567 IMG_1542 IMG_1565 IMG_1533 IMG_1577 IMG_1565

Scroll to Top