April/12/2017Wasiirka Wasaaradda Waxabarshada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland Abshir Yuusuf Awciise oo ay wehliyaan Gudoomiyaha Gobolka Mudug Agaasimaha Wasaaradda Waxbarshada iyo Gudoomiyaha Waxbarashada masuuliyiin kale oo katirsan maamulka magalda Buursalax ayaa booqday duleedka Koonfureed ee magaalaada Buursaalax.
Ujeedada booqashada Masuuliyiinta ayaa la xiriirta u gurmashada dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool deegaankaasi iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadkaas.
.
Dadka kasoo barakacay abaaraha ku dhuftay gobolada dalka ee ku sugan duleedka magaalada Buursaax waxaa ka muuqda daruufo aad u adag, waxayna Masuuliyiinta u kuurgaleen Indhahoodana ku arkeen xaalada adag ee dadkaasi ku sugan yihiin.
Wasiirka Waxbarshada iyo Tacliinta Sare Abshir Yuusuf Aw ciise ayaa ku dhex socdaalay xeryaha ay kujiraan dadka barakacyaasha ah wuxuuna warbixino laxiriirta nolosha dadkaasi ka dhegeystay maamulka deegaanka iyo waxgaradka.
By:Deeq Maxamed Warsame.
Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.