Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Puntland oo furay Saxitaankii Imtixaanka fasalada 8-aad ee dugsiyada Puntland

19/07/2014 ,Waxaa Xarrunta Imtixaanaadka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland ka furmay sixitaanka imtixaanadka        
    Dugsiyada dhexe ee sanadkaan.

Furitaanka saxitaanka imtixaandka dugsiyada Dhexe ee 8-aadka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Aaxbarashada, Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada, shaqaalaha waaxda Imtixaanaadka Wasaaradda Waxbarashada iyo Macalimiinta ka qayb galaya sixitaanka Imtixaanaadka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada ahna madaxa imtixaanaadka Wasaaradda Waxbarashada Mudane Axmed Maxamud Warsame “ Axmed Saahid “ oo daah furka hadalka qaatay ayaa ka warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Imtixaanka fasalka 8-aad sanadkaan, qaabka lagu soo xulay macalimiinta ka qaybgalaya sixitaanka Imtixaanka iyo inta uu soconayo sixitaanka imtixaanadka.

Agaasimi Saahid ayaa sheegay in sanadkaan ay imtixaanka fasalka 8-aad u fariisteen arday gaaraysa 675 9-arday oo isugu jirta gabdho iyo wiilala kuwaas oo waqti isku mida u fariistay imtixaanka guud ahaan goballada iyo dagmooyinka Puntland , Agaasimaha yaa sheegay in sanadkaan ay ka qayb galayaan sixitaanka imtixaanadka fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe macalimiin garaya 100-macalin oo laga kala keenay guud ahaan goballada Puntland, agaasimaha ayaa sheegay inay macalimiintaas ku soo xusheen khibradooda iyo masulliyadda ay qaadeen oo ah mid lagu aamini karo, sidoo kale Agaasime Ahmed ayaa sheegay in sixidda imtixaanku socon doonto 7-maalmood ee soo socda.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Cali Xaaji Warsame oo ka qaybgalay kulanka furitaanka imtixaanka ayaa ugu horayn u mahad celiyey hawl-wadeenadii Imtixaanka, maamulayaashiii iskuulada iyo macalimiinta ka qayb galaya sixitaanka Imtixaanka.

Wasiir Cali Xaaji warsame ayaa macalimiinta iyo hawlwadeenada sixitaanka imtixaanka kula dar-daarmay inay si hufnaan iyo daacadnima ah u gutaan shaqada culus ee amaanada ah ee lagu aaminay.

Wasiirka waxbarashada iyo barbaarinta Dowladda Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa Macalimiinta iyo ka soo qaybgalayshii furitaanka Imtixaanka fasalka 8-aad u sheegay in guul laga gaaray sixitaankii Imtixaanadka Dugsiyada sarre ee Puntland, sidaas si lamida ayuu wasiirku sheegay in Imtixaanka fasalka 8-aadna laga sugayo in guushaas oo kale laga soo hoyiyo haddii Alle idmo.

Imtixanka fasalka 8-aad oo ah imtixaan dowli ah ayaa sanad walbo ay u fariistaan ardayda dugsiyada Dhexe ee goballada iyo dagmooyinka dowladda Puntland kuwaas oo u soo gudba dugsiyada sare .

Golis ayaa ka cawinaysa ardayda  Roll Numbarkooda ay ku fariisteen imaitxaanka  iyagoo waydiinaya 299 ka dibna najiidadad helaya.

 ka Daawo hoos sawiradii.

Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Deeq Maxamed Warsame

Contact number+2525743400

Deeq. hurre99@Gmail.com

 

 

Scroll to Top