Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland oo kormeeraya maalintii 5aad Qayb ka mid ah Dugsiga Nugaal.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Maxamed Xassan ayaa Maanta kormeer ku tagay Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare Nugaal ee Magaalada Garowe .

Kormeerkan Wasiirka ayaa wuxuu ugu kuur galayey heerka waxbarasho ee qaar kamid ah xarumaha waxbarasho ee magaalada Garowe. Wasiirka ayaa warbixinno ku saabsan xaaladda Waxbarasho ee Dugsiga Nugaal ka dhageystay Maamulka, Macallimiinta iyo Ardayda Dugsiga Hoose/Dhexe iyo sare ee Nugaal.

Maamulaha Dugsiga sare Nugaal ee Degmada Garowe ustaad Saalim Cabdalla Saalim ayaa uga sheekeeyey Wasiirka xaaladaha Dugsiga asalkisii iyo hormarka uu gaaray Dugsigu.

Maamulaha Dugsiga Hoose/dhexe iyo sare Saalim ayaa sheegay in 400 arday dhigato Dugsiga saree xilligaan la joogo, ayna haystaan Macallimiin tayo leh aqoon dheerna u leh Maaddooyinka ay bixiyaan.

Maamulaha Dugsiga sare Nugaal ayaa yiri 4tii sano oo la soo dhaafay Dugsiyadda sare Gobolka Nugaal waxaa uu ahaa Dugsiga ugu Celcelis fiican imtixaamaadkii Dugsiyada sare ee Puntland.

Maamulaha ayaa sheegay in ardayda dhigata Dugsiga Nugaal u badan yihiin arday ka timid qurbaha oo dib loogu soo celiyey waddanka.

Wasiirka Waxbarashada ayaa waqti badan la qaatay ardayda dugsiga hoose gaar ahaan Fasalladda 1aad iyo 2aad ee Dugsiga hoose iyadoo imtixaankii billaha ahaana uu Dugsiga ka socdo.

Wasiirka Wasaaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland ayaa kormeeray Fasallada imtixaanka billaha ahi uga socdo iyo habka fiican oo imtixaanka loo soo diyaariyey.

Waxaa kale oo Wasiirku ku dhiirrigaliyey ardayda inay waxbartaan, kana dhabeeyaan Waxbarashadooda asaasiga ah.
Wasiirka ayaa wuxuu kula dardaarmay Maamulka iyo Macallimiinta Xoojinta Waxbarashada iyo Tayada ardayda iyo kobcidda in la dardar geliyo.

“Waxbarashadu waa aas-aaska horumarka iyo nolosha taas oo uu qof kasta u baahan yahay inuu helo waxbarasho, waxaanay lagama maarmaan u tahay nolosha iyo horumarka qof kasta iyo bulsho kasta, horumarkuna waxa uu ku xidhan yahay heerka aqooneed ee qofka iyo bulshada. Wax kasta oo la rabo in laqabta waxay u baahan tahay aqoon iyo karti. Horumar wayn oo lagaadhaa waxay ku xidhan tahay aqoonta oo lagu dadaalo” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdullaahi Maxamed Xassan ayaa kormeer horay ugu tagay Gobolka Mudug bishaan horraanteedii isagoo waxbadan kasoo ogaaday goobaha Waxbarashadda.

Wasaaradda Waxbarashada yo Tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa dadaal ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta ardayda wax ka barata dugsiyada dalka isla markaasna loo horumarin lahaa Waxbarashada dalka.

By: Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.
60

1

2

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

24

25

26

27

28

29

30

31

32

33

34

35

36

37

38

39

40

41

42

43

44

45

46

47

48

49

50

51

52

53

54

56

58

59

Scroll to Top