Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland oo kormeeray maalintii 3aad Dugsiga sare ee Al Xikma .

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Maxamed Xassan ayaa Maalintii 3aad kormeeraya Dugsiga Sare ee Al Xikma ee Magaalada Garowe .

Kormeerkan Wasiirka ayaa waxuu ugu kuur galayey heerka waxbarasho ee qaar kamid ah xarumaha waxbarasho ee magaalada Garowe. Wasiirka ayaa warbixinno ku saabsan xaaladda Waxbarasho ee Dugsiga Al Xikma ka dhageystay Maamulka, Macallimiinta iyo Ardayda Dugsiga sare Al Xikma.

Wasiirka oo fasallada kula hadlay ardayda Dugsiga ayaa kala dardaarmay inay waxbarshadooda sii wataan si ay uga miro dhaliyaan. Waxa kale oo uu wasiirka kala hadlay ahmiyadda waxbarashadu leedahay.

Wasiirka Waxbarashada ayaa waqti badan la qaatay ardayda dugsiga sare ee Al Xikma waxa uuna kula dardaarmay in ay rumeeyaan rajada qoyskooda iyo midda mustaqabalkooda ee laga sugayo.

Wasiirka Waxbarashada ayaa xiisado goonniya siiyey ardayda Fasallada Dugsiga sare Al Xikma sida Fasallada F3, F2, iyo F1, isagoo aad ugu sharraxay maaddooyinka Fiisikiska iyo Xisaabta.

Wasiirka Wasaaraadda Waxbarashada waxaa uu yiri: Waxbarashadu waa furaha Nolosha, Aqoon la’aan waa iftiin la’aan waa aqal iyo ileys la’aan . Dhammaan ummadaha dunida ku nool waxay ku sugan yihiin xaalado aad u kala duwan oo dhanka nolosha ah.

Waxaa kalo Wasiirku yiri: qofku wuxuu nolol sharaf ah oo farxad ahi ay ku dheehantahay heli karaa marka uu barto xirfad uu ku shaqaysan karo.

Maamulaha Dugsiga sare Al.Xikma ee Degmada Garowe Cabdi Xirsi Cali Bootaan oo rugcaddaa maamule ah ayaa uga sheekeeyey Xaaladaha Dugsiga iyo baahiyaha gaarka ah uu dugsiga u baahan yahay.

Maamulaha Dugsiga sare Al xikma ayaa sheegay in iskuulku u baahan yahay fasallo kordhin iyo laab, iyadoo ay baahidaas ay hadda tagan tahay.
Waxaa kaloo uu sheegay Maamulaha Dugsigu inay dugsiga dhigtaan arday dan’ yar ah oo ka kala yimi IDPs oo ka fog iskuulka.

Hoos ka Daawo Sawiradda
50

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

21

24

25

26

27

28

29

30

31

32

33

34

35

36

37

38

39

40

41

42

45

46

48

49

By: Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Scroll to Top