Wasiirka Wasaarada Waxarashada iyo Tacliinta ee Dowladda Puntland Dr Cali Xaaji Warsame oo Garoowe dib ugusoo laabtay.

 20/12/2014, Waxaa maantay  garoonka diyaaradaha ee Garowe ka soo dagay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland Dr  Cali Xaaji warsame oo muddo laba asbuuc ah hawlo shaqo dalka dibadiisa uga maqnaa.

Wasiirka ayaa garoonka diyaaradaha ee Garowe waxaa ku soo dhaweeyey qaar kamida shaqaalaha dowladda iyo shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada.

Wasiirku  intii uu ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee Garowe wuxuu waraahinta uga waramay  socdaalkiisii shaqo ee uu dalka dibadda uga maqnaa.

Cali Xaaji Wersame ayaa intii uu hawlaha shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa wuxuu ka qaybgalay shirar caalamiya oo looga hadlayey hormarinta Waxbarashada Puntland.

Wuxuu wasiirku sheegay inuu  shirar kala duwan oo muhiim u ah hormarinta Waxbarashada Puntlan lasoo yeeshay Wadamada taageera Puntland iyo Deeq bixiyayaasha Puntland ka caawiya dhanka Waxbarashada waxaana shirarkaas xooga lagu saarayay sidii hormarin ballaaran loogu samayn lahaa waxbarashada Puntland si loo gaaro hiigsiga waxbarashada Puntland ee ah in Puntland ay  hesho waxbarasho tayo leh.

Sidoo kale Wasiirku intii uu ku guda jiray socdaalka shaqo  waxa uu  kullan kula yeeshay Safaaradda Talyaanigu ku leeyahay dalka Kenya Safiirka Talyaaniga ee Somalia Ambassador Fabrizio Marcelli, waxayna wasiirka iyo Safiirku  ka wada hadleen intii uu kullanku  socday qodobo muhiim ah oo ay kamid ahaayeen  sidii loo dar-dargalin lahaa  Dhisidda dugsiga barashada Luuqadda Talyaaniga ee laga dhisayo Puntland,  ka qayb qaadasahda hormarinta waxbarashada Farsamada  gacanta ee Puntlan iyo abuurista xirfado shaqo oo laga hirgaliyo Puntland,.

Safiirka ayaa ballanqaaday in qodobadaas muhiimka ah  ee ka soo baxay kullankii ay yeesheen isaga  iyo Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland  Dr Cali Xaaji Warsame ay dowladda Talyaanigu waxbadan ka qaban doonto ayna qayb weyn ka qaadan doonto hormarinta Waxbarashada Dowladda Puntland, Dowladda Talyaaniga ayaa horay u balanqaaday inay Puntland ka caawin doonto hormarinta Waxbarshada .

Shirarkaan  uu wasiirku la yeelanayey  Wadamada taageera Puntland iyo Deeq bixiyayaasha waxay qayb ka yihiin  u qareemidda hormarinta waxbarashada Puntland, si ay  dhallinyarada  Waxbarata ee dalka ay  u helaan waxbarasho wanaagsan oo ka hirgasha gudaha dalka  iyo sidii Ardayda dhamaysata dugsiyada Sare loogu heli lahaa deeqo waxbarasho oo dalka dibadiisa ah.

Madaxda Wasaaradda Waxbarashada oo uu hoggaaminayo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cali Xaaji Warsame waxay  dadaal xoogan ugu jiraan sidii Waxbarashada Puntland kor loogu qaadi lahaa ayna Puntland u noqon lahayd hoyga waxbarashada Soomaliya.

Daawo Sawiradda.

DSC07826DSC07801DSC07802DSC07803DSC07808DSC07809DSC07810DSC07811DSC07812DSC07824DSC07826

Scroll to Top