Wasiirka W. iyo Tacliinta sare oo Ganacsatada Puntland kala hadlay Hormarinta Waxbarshadda Puntland, booqdayna dugsare Najax..

 

28/10/2014,Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa Ganacsatada Puntland kala hadlay Hormarinta  Waxbaarshadda iyo sidii Ganacsataddu ay u abuuri  lahayd goobo ku haboon Waxbarashadda,ka dib kulan uu maanta kula qaatay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay qaar ka mid ah Ganacsaytada Puntland oo uu hormuud u ahaa Guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Mudane Maxamed Caydiid Jaamac.

Guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Mudane Maxamed Caydiid Jaamac ayaa Wasiirka iyo Wafdigiisa si wayn ugu soo dhoweeyay Xarunta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Cali Xaaji Warsame oo ka hadlay kulanka, ayaa ka codsaday Ganacsatada Puntland inay door muuqda ka qaataan Geedi socodka hormarineed ee Waxbarashadda Puntland,waxaana uu xusay in Ganacsatadu ay yihiin qayb muhiim ah oo ka mid ah Bulshada Puntland.

Cali Xaaji Warsame ayaa Ganacsatada uga Xog-waramay Waxqabadkaa Wasaaradda iyo Qorshayaasha Mustaqbalka ee ay ku taamayso inay hirgaliso Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Puntland.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland iyo Ganacsatada uga mahadceliyay soo dhowaynta ay u sameeyen.

Guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Mudane  Maxamed Caydiid Jaamac oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii ka hadlay kulanka ayaa Wasiirka iyo Wafdigiisa ku booriyay hawsha muhiimka ah ee ay u hayaan Bulshada Puntland.

Maxamed Caydiid Jaamac ayaa sheegay in Ganacsatada Puntland ay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan Hormarinta Waxbarashadda Puntland,waxaana uu sheegay in Waxbarashaddu ay saldhig u tahay hormarka dal kasta.

Dhanka kale Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa Kormeer ku tagay Iskuulka Al-Najaax ee magaalada Bosaso,waxaana uu indha-indheeyay habsami u socodka Waxbarasho ee Iskuulka Najaax.

 

Hoos Ka Daawo Sawirada;


DSC09367
DSC09370DSC09374DSC09372DSC09378DSC09381DSC09382DSC09383DSC09388DSC09390DSC09392DSC09393DSC09395DSC09405DSC09406DSC09409DSC09315DSC09332DSC09351DSC09354DSC09306DSC09303DSC09291DSC09255DSC09254DSC09123

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE EE DOWLAADDA PUNTLAND,


Scroll to Top