Wasiirka iyo Wasiir k/xigeenka oo mar Labaad Shaqaalaha Wasaaradda dhaxe la kulamay.

Wasiirka Wasaradda Waxbarashada Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame iyo Wasiir ku Xigeenka Dr.Maxaaed Cali Faarax ayaa shir kula qaatay shaqalaha xarunta dhexe ee wasaradda waxbarashada puntland.

Ahmiyadda kulanka ayaa ahaa sidii loo xoojin lahaa shaqadda wasaradda iyo in la ilaaliyo xiliga lasoo galayo lagana baxayo shaqadda.

Dood dheer ka dib madaxda wasaradda iyo shaqalaha waxay isku raaceen in shaqada lasoo galo todobada iyo barka subaxnimo lagana baxo kowda iyo barka duhurnimo si howlaha kala duwan ee dadka loo hayo la dardar galiyo.

Wasiirka waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa shaqalaha ku booriyay inay muujiyeen dadaal iyo howlkarnimo culus maadama ay sugayso howlo faro badan oo la doonayo in lagu guulaysto,waxa uu sidoo kale sheegay Cali Xaaji in shaqalaha tababaro dalka iyo dibadiisa ah loo raadinayo balse la doonayo in masuuliyad la muujiyo.

Cali Xaaji ayaa shirka ka dhex xusay in dhamaadka bishaan la qaban doono Olale balaaran oo lagu xoojinayo Akhrista iyo qorista,maadama ay tahay maalin muhiim ah.

Wasaradda Waxbarashada Puntland ayaa barnaamijkaan oo miyi iyo magaalo laga xusi doono  Wasiirka iyo Wasiir k/xigeenka ayaa u magacabi doona gudi farsamo  hadii alle idmo.

Wasaradda Waxbarashada Puntland ayaa ka mid ah meelaha sida aadka ah looga ammaano beesha caalamka iyo dalalka dariska la ah Somalia,maadama ay tahay meesha kaliya ee dalka ugu hormarsan dhanka Waxbarashada.

DAAWO SAWIRADII SHIRKA LOOGA HADLAY.

Deeq Maxamed Warsame

Wasaaradda Waxbarashada Puntland

Contact Number+2525743400

Scroll to Top