Wasiirka cusub ee Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Abshir Aw-yuusuf Ciise oo soo gaaray Garowe.

27/jun/2015- Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland Prof. Abshir Aw-yuusuf Ciise ayaa Maanta siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada garoowe ee caasimadda dawladda puntland.

Wasiirka cusub ayaa kasoo kicitimay magaalada Minneapolis  ee carriga maraykanka halkaas oo uu kunoolaa muddooyinkii ugu dambeeyey isago wax kadhigi jirey jaamacadaha waddankaasi.

Wasiirka ayaa waxaa gegida diyaaradaha ee caasimadda puntland ee  garoowe kusoo dhoweeyey xubno ka kala socda labada gole ee dawladda Puntland, Macallimiin wax kadhigta Jaamacadaha iyo Dugsiyada sare ee Puntland, Arday , siyaasiyiin iyo dadweyne kale oo aad u fara badan oo muddoba halkaasi ugu diyaar garoobeyey soo dhoweyntiisa.

Ugu dambayntii Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland Prof. Abshir Aw-yuusuf Ciise ayaa waxaa loosii gelbiyey Hotelkii uu ka degi lahaa magaalada garoowe halkaas oo uu kula hadlay warfidiyeenada.

Wasiirka ayaa ugu horraynba u mahadceliyey madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Abdiweli Maxamed Cali Gaas oo xilkaasi culus u magcaabay isagoona ilaahay ka-baryey inuu xilkaasi lagarab galo, wuxuu sidookale hamabalyo iyo bogaadin hawada u mariyey dhammaad dadweynihii reer puntland ee isugu jiryey masuuliyiin iyo shacabba isugu jireyey ee sida weyn ugu soodhoweyey caasimadda Puntland ee garoowe iyo lagu jiro bil ramadaan haddana aan ka daalin soo dhoweyntiisa.

Geba-gebadii wasiirka ayaa ballan qaaday inuu halkaasi kasii amba qaadi doono hannaanka horumar ee ay ku tallaabsatay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare uuna si dardarle usocodsiin doono horusocodkaasi  wanaagsan sidookalena uu waxbadan oo kor uqaadayada tayada waxbarashada Puntland kusoo kordhin doono.

Abshir Aw-yuusuf Ciise Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Wuxuu bare ka ahaa Jaaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed ee Lafoole xilligii dawladdii dhexee ee soomaaliyeed waxaana xilligaasi looyaqaaney Abshir Fiisigis(Physics) Maadaama uu aha nin Takhasus dheeraad ah u leh maaddadaasi  ,  wixii ka dambeeyey bur-burkiina waxaa uu  ku noolaa waddanka maraykanka halkaas oo uu ka ahaa bare jaamacadeed.

Daawo Sawiradda.

IMG_2454IMG_2452IMG_2455IMG_2452IMG_2450IMG_2448IMG_2446IMG_2443IMG_2444IMG_2440IMG_2439IMG_2434IMG_2436IMG_2437IMG_2433IMG_2430IMG_2427IMG_2428IMG_2441

P

 

 

Scroll to Top