Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Federaalka oo Booqday Wasaarada Waxabarshada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland.

15/Jan/2015: Booqashadan oo ahayd middii ugu horreysay oo ay is xog waraysi iyo kala talo qaadasho isugu yimaadaan Wasiirka waxbarashada Dawladda Federaalka iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Md. Cali Xaaji Warsame ayay si kooban uga wadleen guud ahaan Waxbarashda Soomaaliya iyo midda gaarka ah ee Puntland.

Mudane Cali Xaaji ayaa ka xog waramay mudadii sanadka ahayd ee uu xilka hayay iyo waxyaabihii u qabsoomay, hawlaha hadda socda iyo caqabadihii laga soo gudbay.

Md. Cali Xaaji ayaa sidoo kale uga xog waramay Sanadka cusub iyo hawlaha horyaal oo la rabo inay wasaaraddu fuliso, waxaana uu u sheegay inay jireen caqabado qaybtood laga soo gudbay qayb kalana ay casharro ku filan ka haystaan rajaynayaanna inay sanadkaan wax ka qaban doonaan, waxaa sidoo kale uu u raaciyay in ay caqabadaha qaar ka mid ahi yihiin kuwo ka jiray dhinaca Federaalka kuwaasoo uu ka rajeeyay inuu wixii karaamkiisa ah kala dadaalo wax ka qabashadooda.

Wasiirka Waxbarashada Dawladda Federaalka ah ee soomaaliaya Md. Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilkojiir wuxuu aad u bogaadiyay warbixinta uu siiyay Wasiirku, waxaana uu uga hambalyeeyay waxqabadkii ballaarnaa ee u qabsoomay Wasaaradda iyo dadaalkii ay sameeyaeen, waxaana uu sheegay in uu ku dadaali doono inuu wax kala qabto caqabadaha uu sheegay inay jiraan.

Kulankaan ay xogaha isku dhaafsanayeen Wasiirka waxbarashada Federaalka Md. Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilko Jiir iyo Wasiirka Waxbarashda iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland Md. Cabdi Faarax Siciid (Juxaa).

Hoos Ka daawo Sawirada

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND

 Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia.

 

Scroll to Top