23/May/2015- Wasiir kuxigeen waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Dr Maxamed Cali Faarax oo maanta Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada Puntland ka furay Schoolka Gambool ee Magaalada Garoowe ayaa guul muhiim ah ku tilmaamay qabsoomida imtixaanka shahaadiga ee sanad dugsiyeedka 2014 ilaa 2015.
Maxamed Cali Faarax wuxuu sheegay inuu imtixaankaan ka turjumayo qiimaynta waxbarasho sanad dugsiyeedka 2014 iyo 2015 iyo fursadaha waxbarasho ee ardayda u tartamaysa inay sanadkaan ku guulaystaan deeqaha waxbarasho waxaana uu ardayda ugu baaqay in niyad wanaag ku galaan Imtixaanka ayna casharada Iska soo diyaariyaan inta a Imtixaanka ku jiraan.
Wuxuu sheegay Wasiir -kuxigeenku inuu natiijo wanaagsan u rajeynayo ardayda maanta u fariisatay imtixaanka shahaadiga, wuxuuna u mahad celiyay cid walba oo imtixaanka qabsoomidiisa ka qeyb qaadatay.
Hoos Ka Daawo Sawiradda.