Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Oo Maanta Imtixaanka Masterka Usoo Xiray 50 Arday oo ka dhamaystay jamacda Nairopi university kenya.

30/11/2014. Wasiir kuxigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo tacliiinta sare ee Puntland  Dr Maxamed Cali Faarax ayaa maanta soo xiray Imtixaanka Master Program oo ay Iska kaashanayeen wasaarada waxbarashada, Hayda CFPT iyo tacliinta sare iyo Jaamacada Kenya University of Nairobi ee dalka Kenya.

Barnaamijkaan oo socdey mudo sanad ah ayaa waxaa ka faa’iidaystey mudadii uu socdey 50 arday oo ka kala socd xarunta dhexe ee wasarada waxbarashada iyo tacliinta sare, macalimiinta Puntland, qaar kamid ah shaqaalaha wasaaradaha iyo Hay’adaha ka howlgala deegaamada Puntland.

Dr Maxamed Cali Faarax Wasiir kuxigeenka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dal-udug ayaa soo dhoweeyey barnaamijkana wuxuuna ardaydii ka faa’iidaysanaysay kubooriyey in ay aqoonta dalka dadka iyo dalka uga faa’iideeyaan.

Wasiirka ayaa Jaamacada uga mahadceliyey taageeradeeda wuxuuna sheegay in tallaabadaani ay qayb katahay tallaabooyinka ay wasaaradu korugu qaadayso tacliinta sare ee dalka ayna soo dhoweynayaan cidkasta oo gacan kageysanaysa.

Cabdikariin Faarax Cali Madaxa Hay’ada CFPT ee Puntland oo wasaarada barnaamijkaan kataageeraysay ayaa bogaadiyey sida ay ardaydu uga dhabeeyeen dedaalkooda wuxuuna intaas kudaray in aysan intaas ku hakin doonin barnaamijyada noocaan oo kale ah.

Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika fareceeda Garoowe oo martigelinaysay Waxbarashada iyo Imtixaanka Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa dhankiisa kudheeraaday ahmiyada tacliinta iyo sida ay diinteena Islaamku noogu boorisay, wuxuuna intaas kudaray in Jaamacadu marwalba garab taagan tahay wasaarada iyo bahda tacliinta.

Barnaamijkaan ayaa mudadii sanadka ahayd ee uu socdey waxaa lagu baranayey labo qaybood oo kala ah Cilmiga qorshaynta waxbarashada iyo Cilmiga Tayeynat waxbarashada, waxaana dhamaan ardaydii ka faa’iidaystay ay hada gelidoonaan qaybta cilmi barista kahor inta aan shahaadooyinka lagudoon siin bisha 8aad ee sanadka 2015.

Halkaan ka Daawo Sawirradii Munaasabad

DSC00373 DSC00374 DSC00378 DSC00381 DSC00386 DSC00387 DSC00389 DSC00391 DSC00393 DSC00395 DSC00401 DSC00402 DSC00403 DSC00407 DSC00409 DSC00410 DSC00411 DSC00414 DSC00416 DSC00421 DSC00426 DSC00429 DSC00433 DSC00435 DSC00436 DSC00439 DSC00440 DSC00443 DSC00444 DSC00447 DSC00448 DSC00450 DSC00452 DSC00454 DSC00456 DSC00457 DSC00460 DSC00461 DSC00463 DSC00464 DSC00466 DSC00468 DSC00470 DSC00472

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND
Qore: Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia

Scroll to Top