Wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada puntland oo booqday Vision college international oo bilaabay imtixaanka Simisterka 1-aad.

31/jan/2015,Wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Dowladda Puntland  Dr Maxamed Cali Faarax ayaa maanta booqday Machadka Vision International  College oo ay ka socdaan imtixaanka Simisterka 1aad ee Jaamacada Admity ee Dalka India ee habka onlineka wax looga barto, waxaana imtixaankaasi ka qayb ahaa wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Dowladda Puntland.

Wasiir ku xigeenka ayaa imaanshihiisa Collegeka ku micneeyey in uu qayb ka yahay kormeerid ay ku hayeen dhamaan goobaha waxbarasho ee Puntland, wuxuuna aad uga mahad celiyay Machadka Vision International dadaalka uu u galay in Admity University ay barasho toos ah siiso ardayda Puntland ku sugan.

Maamulaha Machadka Vision International college Maxamed Xasan Sulaymaan ayaa uga mahadceiyey Wasiirka booqashadiisa isagoo cadeeyey in Imtixaanka simirterka 1-aad ee Jaamacada Admity uu toos u bilowday ayna u fariisteen in ka badan 40 arday.

Machadka Vision International ayaa xiriir wada shaqeeneed la leh Jaamacada Amity ee dalka india laga leeyahay taasi oo caan ku ah Isticmaalka waxbarashada Onlineka.

Daawo Sawiradda.

191817141516101113

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACALIINTA SARE
DOWLADDA PUNTLAND

Scroll to Top