Wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo u soo xiray tababar Ha’yadda EAT u qabatay 70-dhalinyaro.

23/jun/ 2015- Wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland Dr.Maxamed Cali Faarax ayaa maanta 70-dhalinyaro ah magalada Garowe ugu soo gaba-gabeeyay tababar u socday mudo labo maalmood ah oo lagu meelmarinayay xog aruurin ay kasoo sameeyeen gobaladda Puntland taasoo ku aadan in Manhajka waxbarashada Puntland lagu daro maado ka hadlaysa Nabadda iyo faa’iiidoyinka ay lee dahay.

Tababarkan waxaa soo qaban qaabisay Hay’adda dhanka waxbarashadda wasarada kala shaqaysay ee la yiraahdo EAT, waxana inta uu socday lagu soo bandhigay xog aruurinta ay dhalinyaradda kasoo sameeyeen gobaladda taasoo salka ku haysa in dadka la ogaado baahida ay u qabaan in la helo maado ka hadlaysa nabadda oo goobaha waxbarashada lagu daro.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada Dr.Maxamed Cali Faarax ayaa marka hore u mahad celiyay Hay’adda African Education Trust oo tababarkan soo qaban qabaasay, waxa kale uu sheegay inay muhiim tahay xog aruurintan ku saabsan sida loo heli lahaa in qayb waxbarashada nabada ka hadlaysa lagu daro manhajka waxbarashada ee degsan.

Dhalinayaraddan xog aruurinta soo samaysay ayaa laga soo xulay gobalada Puntland, waxayna isagu jireen wiil iyo gabadho, qaarkood ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in Manhajka waxbarashadda lagu daro daruus ka hadlaysa Nabadda.

Hoos Ka Daawo Sawiradda

IMG_8138 IMG_8140

IMG_8138 IMG_8140 IMG_8141 IMG_8143 IMG_8145 IMG_8146 IMG_8152 IMG_8160 IMG_8161 IMG_8163

 

Xafiiska Warfaafinta Wasaaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada puntland.

By Deeq Maxamed Warsame.

Scroll to Top