Wasiir ku xigeenka Wasaradda Waxbarashadda Iyo Tacliinta Sare Ee Puntland Oo Daahfurtay Imtixaanka Shahaadiga Ah ee Magalada Boosaso

20/05/2017- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda iyo taclinta sare ee dawlada Puntland, Dr. Maxamed Cali Faarax, ayaa maanta magaalada Boosaaso ku Daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Galaaska Afraad ee Dugsi Sare iyo Galaaska Sideedaad ee dugsi dhexe.

Munaasabada Imtixaanka lagu Daahfuray ayaa ka dhacay Dugsiga Raascasayr, waxaana ka qayb galay maamulka gobolka Bari, maamulka degmada Boosaaso iyo bahda Waxbarashadda.

Ardayda guud ee Gobolada Puntland Imtixaanka u fariistay ayaa Tiradoodu ay gaaraysaa 12,687 Arday wiil iyo Gabdho isugu jira, waxaana Imtixaanku uu si rasmi ah uga wada bilowday 86 xarumood oo ku kala yaala sagaalka gobol ee Puntland ay ka kooban tahay.

Tirada ugu badan ee Ardayda Imtixaanka u fariistay ayaa wax ka barta Gobolka Bari, waxaa Dugsiyada sare ee Gobolka Bari u fariistay 1266 arday, halka dugsi dhexena ay u fariisten 2568.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda iyo taclinta sare ee dawlada Puntland, Dr. Maxamed Cali Faarax, ayaa Ardayda kula dardaarmay inay Imtixaanka si degan u galaan, ayna ku kalsoonaadan Aqoonta ay barteen.

‘’Waxaaan ardayda kula dardaarmayaa inay imtixaanka si degan ku galaan, kuna kalsoonaadaan aqoontii ay sanadaha badan soo baranayeen, imtixaanku waa qiimayn, ciqaab maaha, waana imtixaan aad haddii Alle idmo si wanaagsan oo raaxa leh uga jawaabi doontaan, marka ha warwarin, naftaadana kalsooni gali’’ Ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Waxbarashadda Puntland.

Wuxuu intaas ku daray’’ Imtixaanka waxaa ardayga laga qaadaa labada marxaladood ee kala guurka ah, marka uu ka gudbayo marxallada dhexe ee uu 8 sano wax soo bartay, si loo qiimeeyo ardayga u gudbaya marxaladda Dugsiga Sare, sidoo kale waxaa imtixaankan u fariista ardayga dhammeeyey Dugsiga Sare oo u tallaabaya marxaladda Jaamacadda, waa laba marxaladood oo muhiim ah, loona baahan yahay in ardayga lagu sameeyo qiimayn dhab ah, taasoo uu qayb wayn ka yahay imtixaanka Shahaadiga ahi (Centralized Exam)’’.

 

Mar uu ka hadlayay Muhiimada Imtixaamka Shahaadiga ah ayaa wuxuu yiri’’ Imtixaanka Shahaadiga ahi kaalin mug leh ayuu ka qaataa tayada waxbarashada Puntland guud ahaan, wuxuu abuuray jawi tartan oo u dhexeeya ardayda u diyaargaroobaya imtixaanka, sidoo kale waxaa tartanka qayb wayn ka ah goobaha waxbarashada, maamulayaasha, macallimiinta, waalidiinta, madaxda gobollada, qolo walibana waxay rajo wayn ka qabtaa inay kaalin la taaban karo ka gasho imtixaanka, ardadeeduna ay noqdaan kuwa ku guulaysta kaalimaha hore si ay uga mid noqdaan ardayda loo qoondaynayo deeqaha waxbarasho ee sanad walba lagu tartamo’’.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta ka hadlay Munaasabada, ayaa Wasaaradda ku booriyay hawlaha muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan.

Duqa degmada Boosaaso Yaasiin Mire Maxamuud, ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashadda iyo tacliinta sare ee Puntland ay tahay Wasaarad tayadeedu ay aad u sarayso, isla markaana hormar balaaran samaysay mudadii ay shaqaynaysay.

Ugu dambayntii wuxuu Wasiirku si rasmi ah u Daahfuray Imtixmaanka Shaadiga ah ee Puntland.

Hoos ka Daaawo sawiradii

DSC_0002 DSC_0003 DSC_0004 DSC_0007 DSC_0008 DSC_0014 DSC_0015 DSC_0023 DSC_0028 DSC_0029 DSC_0041 DSC_0047 DSC_0052 DSC_0076 DSC_0080 DSC_0093 DSC_0117 DSC_0118 DSC_0123 DSC_0148 DSC_0158 DSC_0161 DSC_0171 DSC_0179 DSC_0203 DSC_0229 DSC_0232 DSC_0235 DSC_0248 DSC_0262 DSC_0348 DSC_0356

Madaxa isku xirka Wasaaradad Waxbarashada iyo Tacliinata sare  (Deeq hurevov)

Scroll to Top