Wasiir ku xigeenka Wasaradda Waxbarashadda Iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Puntland Oo Daahfuray Imtixaankii Shahaadiga ah ee Magalada Boosaso

 

12\may\ 2018-  Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda iyo taclinta sare ee dawlada Puntland, Dr. Maxamed Cali Faarax, ayaa maanta magaalada Boosaaso ku Daahfuray Imtixaankii Shahaadiga ah ee Fasalada Afraad ee Dugsi Sare iyo iyo Fasalka 8aad ee dugsi dhexe.

Munaasabada Imtixaanka lagu Daahfuray ayaa ka dhacay Xarunta Dugsiga sare ee Boosaso Public waxaana ka qayb galay maamulka gobolka Bari, maamulka degmada Boosaaso iyo bahda Waxbarashadda Gobolka Bari.

Ardayda guud ee Gobolada Puntland Imtixaanka u fariistay ayaa Tiradoodu ay gaaraysaa 15 kun oo Arday oo isugu jira wiil iyo Gabdho, waxaana Imtixaanku uu si rasmi ah uga wada bilowday 100 xarumood oo ku kala yaala sagaalka gobol ee Puntland ay ka kooban tahay.

Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Bari shamis muuse koonte ayaa ka war baxisay habasmi socodka imtixaamadka Gobolka Bari waxana tiri” Tirada ugu badan ee Ardayda Imtixaanka u fariistay ayaa wax ka barta Gobolka Bari, waxaa Dugsiyada sare ee Gobolka Bari u fariistay 1341 arday, halka dugsi dhexena ay u fariisten 2543, Tirada guud ee Gobolka Bari waa 3884.

Gudoomiayaha Degmada Waxbarashada C\Laahi Xasan Abshir iyo Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Bari ayaa si wada jir u sheegay in uu nabad galiyo ku socdo imtixaankii dowlada Puntland iyagoo isgaarsiin la samaynaya xarumaha uu ka socdo imtixaanka dhamaan degmooyinka Gobolka bari oo dhan.

Kormeeraha Imitixaamadka Gobolka Bari Maxamed Cali waabari iyo Madaxa Imtixaamadka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare Maxamud Maxamed siciid (Caynsane) aya guud ahaan sheegay in imtixaankii uu sabsmi leh uga socdo Gobolka Bari dhamaantii.

Duqa degmada Boosaaso ahana Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyada C\salaan Bashiir, ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashadda iyo tacliinta sare ee Puntland ay tahay Wasaarad tayadeedu ay aad u sarayso, isla markaana hormar balaaran samaysay mudadii ay shaqaynaysay.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta ka hadlay Munaasabada, ayaa Wasaaradda ku booriyay hawlaha muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan.

waxaa kalo sheegay in gudoomiyahu uu qayb wayn ka qaatay itixaanka isagoo soo xiray doontii waday waraqihii lagu dabacayey imtixaanka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda iyo taclinta sare ee dawlada Puntland, Dr. Maxamed Cali Faarax, ayaa Ardayda kula dardaarmay inay Imtixaanka si degan u galaan, ayna ku kalsoonaadan Aqoonta ay barteen.

‘’Waxaaan ardayda kula dardaarmayaa inay imtixaanka si degan ku galaan, kuna kalsoonaadaan aqoontii ay sanadaha badan soo baranayeen, imtixaanku waa qiimayn, ciqaab maaha, waana imtixaan aad haddii Alle idmo si wanaagsan oo raaxa leh uga jawaabi doontaan, marka ha warwarin, naftaadana kalsooni gali’’ Ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Waxbarashadda Puntland.

Wuxuu intaas ku daray’’ Imtixaanka waxaa ardayga laga qaadaa labada marxaladood ee kala guurka ah, marka uu ka gudbayo marxallada dhexe ee uu 8 sano wax soo bartay, si loo qiimeeyo ardayga u gudbaya marxaladda Dugsiga Sare, sidoo kale waxaa imtixaankan u fariista ardayga dhammeeyey Dugsiga Sare oo u tallaabaya marxaladda Jaamacadda, waa laba marxaladood oo muhiim ah, loona baahan yahay in ardayga lagu sameeyo qiimayn dhab ah, taasoo uu qayb wayn ka yahay imtixaanka Shahaadiga ahi (Centralized Exam)’’.

Mar uu ka hadlayay Muhiimada Imtixaamka Shahaadiga ah ayaa wuxuu yiri’’ Imtixaanka Shahaadiga ahi kaalin mug leh ayuu ka qaataa tayada waxbarashada Puntland guud ahaan, wuxuu abuuray jawi tartan oo u dhexeeya ardayda u diyaargaroobaya imtixaanka, sidoo kale waxaa tartanka qayb wayn ka ah goobaha waxbarashada, maamulayaasha, macallimiinta, waalidiinta, madaxda gobollada, qolo walibana waxay rajo wayn ka qabtaa inay kaalin la taaban karo ka gasho imtixaanka, ardadeeduna ay noqdaan kuwa ku guulaysta kaalimaha hore si ay uga mid noqdaan ardayda loo qoondaynayo deeqaha waxbarasho ee sanad walba lagu tartamo’’.

Ugu dambayntii wuxuu Wasiir ku xigeenku si rasmi ah u Daahfuray Imtixmaanka Shaadiga ah ee Puntland ee magalada Boosaso.

By: Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare. (ku sugan Xarumha Imtixaamadka ee Magalada Boosaso)

Hoos ka Daawo Sawiradda.

IMG_1959 IMG_1964 IMG_1965 - Copy IMG_1980 IMG_1981 - Copy IMG_1986 IMG_1989 IMG_1993 IMG_1994 IMG_2002 - Copy IMG_2014 - Copy IMG_2015 IMG_2023 IMG_2269 IMG_2270 IMG_2298 IMG_2299 IMG_2300 IMG_2029 IMG_2030 IMG_2050 IMG_2051 IMG_2053 IMG_2063 IMG_2068 IMG_2070 IMG_2077 IMG_2102 IMG_2104 IMG_2128 IMG_2129 IMG_2136 IMG_2137 IMG_2133 IMG_2290 IMG_2138 IMG_2063 IMG_2036 IMG_2037 IMG_2072 IMG_2073 IMG_2104 IMG_2111 IMG_2148 IMG_2149 IMG_2150 IMG_2151 - Copy IMG_2159 IMG_2178 IMG_2182 IMG_2194 IMG_2196 IMG_2197 IMG_2208 IMG_2209 IMG_2210 IMG_2211 IMG_2253

 

By: Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

 

Scroll to Top