Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo Warbxin ka baxiyey Tacliinta sare dowlada Puntland Waxay ka Qabatay dhowrkii sano oo la soo dhaafay.

19/April/ 2017- Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare Dr Maxamed Cali faarax  bulshada kala duwan qaybaheeda ayaa  weydiiyey su’aasha aan qormadan cinwaanka uga dhigay, qaarkood xafiiska ayay iigu yimaadeen, qaar kalena waxay kula soo xiriireen telefoonka, kuwana Email ahaan ayay igu waydiiyeen, sidaas daraadeed waxaan jeclaystay Wasiirku in uu uga jawaabo ka bixiyo su’aashaa lays waydiiyay, islamarkaasna aan iftiimiyo waxqabadka Dawladda Puntland ee ku wajahan Tacliinta Sare.

Horraantii bisha Marso 2014, waxay Dawladdu qabatay shirkii lagu qorshaynayay qaabaynta isla-xisaabtanka xukuumadda, shirkaas Madaxweynaha Dawladda Puntland Prof. C/weli Maxamed Cali Gaas wuxuu Wasaaradda Waxbarashada ku wargeliyay qorshihiisa ku wajahan Tacliinta Sare ee Puntland, kaasoo ku urursan in la dhiso nidaamka waxbarasho ee Tacliinta Sare iyadoo loo marayo dhisidda Guddiga Tacliinta Sare iyo Siyaasadaha iyo shuruucda Tacliinta Sare.

Wasaaraddu iyadoo ka duulaysa talooyinkii kasoo baxay shirkaas, waxay dejisay qorshe cad oo ku wajahan Tacliinta Sare ee Dalka, waxqabadkii u hirgalayna waxaa ka mid ah:

  1. Dawladdu waxay ballaarisay xuduudda maamul ee Wasaaaradda Waxbarashada (Mandate) oo markii hore ku koobnaa waxbarashada Asaasiga ah iyo Dugsiyada Sare, waxaana lagu daray Tacliinta Sare oo aan markii hore qayb ka ahayn Wasaaradda, magacii Wasaaraddana waxaa loo beddely: Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
  2. Waxqabadka ugu wayn ee Dawladda Puntland dhinaca Tacliinta Sare ka qabatay waxaa la oran karaa waa Jaamacadihii dalka oo la hooskeenay nidaamkii dawliga ah, taasi waa guul wayn, waxayna hirgashay xilligan ay xukunka hayso Dawladda uu Madaxweynaha ka yahay Prof. C/weli Maxamed Cali Gaas.
  3. Wasaaraddu waxay go’aansatay in tallaabada koowaad ee ay Tacliinta Sare ka qaadaysaa ay noqoto xoojinta nidaamka (system building), si taas loo hirgeliyona waxay waxay qabatay arrimahan:
  • Dejinta Siyaasadda Tacliinta Sare, taasoo hagaysa dhamaan barnaamijyada Tacliinta Sare ee Dalka, waxay Wasaaraddu isugu yeertay daneeyayaasha Tacliinta Sare oo ay ugu horreeyaan madaxda Jaamacadaha kala duwan iyo aqoonyahanno ku xeeldheer cilmiga waxbarashada si ay uga talo bixiyaan siyaaasadda Tacliinta Sare, waxaana arrintaas garab ka gaystay khubaro ajnabi ah, waxaana la dajiyay siyaasad dhamaytiran oo ku wajahan Tacliinta Sare, waana la ansixiyay.
  • Xeerka Tacliinta Sare: oo ah xeerka lagu dhaqayo Tacliinta Sare ee dalka, kaasoo caddaynaya sida Jaamacad loo asaasayo, shuruudaha looga baahan yahay, sida loo aqoonsanayo, sida loo tayaynayo iyo waxay ku waayi karto diiwaangelinta iyo aqoonsiga iyo sida Tacliinta Sare loo maamulayoba, xeerkan hadda waa dhamaaday wuxuuna horyaallaa Golaha Xukuumada si loo ansixiyo.
  • Dhisidda Guddiga Tacliinta Sare (Commission for Higher Education) oo ah Hay’adda maaulaysa Tacliinta Sare ee Dalka, waxaana si rasmi ah guddiga loogu dhawaaqayaa marka la ansixiyo Xeerka Tacliinta Sare oo si faahfaahsan uga hadlaya Guddiga iyo shaqada uu qabanayo.
  1. Wasaaraddu waxay tababarro kala duwan u qabatay Jaamacadaha dalka, kuwaas oo ka dhacay gudaha dalka iyo dibaddaba, waxaa Jaamacadaha lagu tababaray dejinta manaahijta, cilmi-baarista iyo tayodhowrka, ilaa iyo 15 tababar oo kala duwan ayaa loo qabtay Jaamacadaha iyo Kulliyadda Macallimiinta GTEC.
  2. Waxaa Jaamacadaha la siiyay Maktabadaha Electorooniga ah, waxaana dhammaan Jaamacada Dalka la gaarsiiyay qalabka la yiraahdo E-granary oo ah Maktabad ay ku jiraan buugaag gaaraya 2 Malyan oo buug oo ardayda Jaamacaduhu ay baahi wayn u qabaan, waxayna arrintaani ardayda iyo macallimiintaba ka dabooshay baahidii ay u qabeen buugaagta waxlaga barto ama la akhristo.
  3. Waxaa Jaamacadaha dalka loo qaybiyay buugaagta ay ardayda Jaamacaduhu u baahan yihiin oo isugu jira qaybo kala duwan si loo tayeeyo aqoonta ardayga Jaamacadda dhiganaya oo ah kaadirkii berrito bulshada hoggaamin lahaa.
  4. Waxaa Jaamacadaha oo dhan loo sameeyey waxaa lagu magacaabo Qaybta Tayadhowrka “Quality assurance Unit”, taasoo shaqadeedu tahay ilaalinta tayada waxbarashada Jaamacadda, Jaamacad kastana waxaa la siiyay qalabkii ay waaxdu ku shaqayn lahayd, shaqaalihii ka shaqayn lahaana waa loo tababaray.
  5. Sanadkii 2014 kii markii Dawladda uu hormuudka ka yahay Prof. C/weli ay xukunka la wareegtay, Kulliyadda Macallimiinta GTEC way xirnayd oo ma aysan shaqaynayn, Dawladdu waxay dadaal dheer u gashay in dib loo agaasimo Maamulkii Kulliyadda iyo qaabdhismeedkeediiba, waxaana si
    degdeg ah loo furay Kulliyaddii Macallimiinta si shaqadii loo igmaday ay u gudato, hawlgalkaas waa lagu guulaystay, waxayna kulliyaddu soo saartay laga soo bilaabo 2014 kii ilaa iyo hadda macallimiin gaaraysa 1500 macallin oo ka hawl gala dhamaan gobollada Puntland, waxayna arrintaani ku tusaysaa waxqabadka Dawladdu inta uu le’eg yahay iyo dadaalka ay ku bixisay tacliinta Sare.
  6. Dawladdu waxay ku taageertay Jaamacadaha Mashaariic yaryar ah “Mini projects” sida: Mashruuca Campus network software, Mashruuca latalinta ardayga Jaamiciga ah, Mashruuca hal-abuurka, mashruuca kulamada madaxda Jaamacadaha, mashruuca tababarka gabdhaha iwm, mashaariicdaas yaryar oo ay Jaamacaduhu ku baranayaan qaabka mashaariicda loo fuliyo ayna kormeerayso Jaamacadd VU university ee ku taalla dalka Holland.
  7. Dawladdu waxay xoogga saartay u qareemidda Jaamacadda si loo helo maalgelinta ay u baahantahay Tacliinta Sare oo ah mid aad u ballaaran, waxay wadahadallo badan la gashay Hay’adaha Caalamiga, Dawladaha Deriska ah iyo kuwa Carabtaba, waxayna u hawlgashay xoojinta iskuxirka Jaamacadaha oo hadda ku hawlan inay samaystaan Urur u gaar ah oo ay ku midoobayaan dhamaan bahda Tacliinta Sare ee Puntland, kaasoo ka shaqayn doona isku xirkooda iyo dhaqaale u raadintoodaba.
  8. Ugu dambayntii, qormadani maaha dayaacad u samayn Xukuumadda dalka u Talisa, balse waxaan ugu talagalay inaan soo bandhigo wixii la qabtay, wixii ka dambeeyana qof walba xor buu u yahay aragtidiisa, ama ha noqoto mid taageeraysa qoraalkayga ama mid mucaarad ku ahba.

Tawfiiqda Alle hana waafajiyo.

Dr. Maxamed Cali Faarax
Garowe, Puntland-Soomaaliya

By:Deeq Maxamed Warsame.

Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare

Scroll to Top