Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo Xafiis kiisa ku qaabilay Maamulayaasha Macaahida sharciga ah.

27/07/2016- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare Dr Maxamed Cali faarax  Ku-simaha  agaasimaha guud Cabdulqaadir Yuusuf Nuux ahana Agaasimaha Waxaada Taya-Dhawrka iyo Kormeerka Guud ee Wasaaradda iyo Tacliinta sare  iyo Agaasimaha Waxaada  imtixaanadka  Axmed Maxamud Warsame (Axmed Saahid) ayaa bahda Macaahida sharciga  ah ku  soo dhoweeyey Xafiiska wasiir ku xigeenka  Waxbarashada , isla markaana ku amaanay sida ay dedaalka ugu bixiyeen inay soo saaraan waxbarashada Macaahida sharciga ah arady badan.

Waxaa sidoo kale waxaa kulanka Wadatashiga ah  ka qayb galay masuuliyiinta macaahida sharciga ah oo uu hogaaminyay sheikh Maxamud yuusuf iyo Shiikh Muqtaar iyo sidoo kale xubno kale, waxaana Wadatashiga ahmiyada Macaahida ay u leedahay waxbarashada  dalka  oo qaatay saacado badan, lagu soo qaaday sida ay muhiim u tahay in loo istaago tayaynta Waxbarashada  iyadoo ka duulaysa himiladeedii aheyd kobcinta iyo tayeynta waxbarashada Puntland, tixgelinaysana dhammaan duruufaha  dhaqaale ee dalka ka jira. Wasaaraddu iyadoo ka duulaysa ilaalinta siyaasadaha iyo nidaamka waxbarashada guud ahaan, ilaalinaysana heerarka iyo taxanaha waxbarasho ee kala duwan.

 

Ujeeddo: Wadatashi arrimaha Macaahidda Sharciga

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyadoo ka duulaysa Masuuliyadda ka saaran Waxbarashada Dalka heer kasta oo ay tahayba.

Iyadoo si gaar ah isaga xilsaaraysa tayaynta Waxbarashada nooc kasta iyo heer kasta oo ay tahayba, islamarkaas talagalinaysa mas’uuliinta Waxbarashada Ahliga ah,

Iyadoo cuskanysa Siyaasadda Waxbarashada, Sharciga Waxbarashada iyo dhamaan Xeerhoosaadyada Waxbarashada ee ku wajahan qaabka Waxbarashada loo maamulo loona qaabeynayo,

Waxay go’aansatay inay abaabusho kulan wadatashi ah oo dhexmara Wasaaaradda iyo Mas’uuliinta Macaahidda Sharciga ee ka hawlgala Puntland, kulankaas oo ka dhici doona xarunta dhexe ee Wasaaradda 27/07/2016, kulanku wuxuu diiradda saari doona arrimaha soo socda:

  1. Xogwarran ku saabsan Waxbarashada ahliga ah, gaar ahaan tan ay gacanta ku hayaan Macaahidda Sharciga ah iyo Madaarista Diiniga ah ee ka hawlgala Puntland.
  2. Manaahijta Macaahidda Sharciga: isukeeniddeeda, midaynteeda, qiimaynteeda iyo aqoonsigeeda.
  3. Imtixaanaadka Macaahidda: qaabka loo qaadayo, loo midaynayo, loo maamulayo, iyo xiriirka ay la yeelanayso Xafiiska Imtixaanaadka ee Wasaaradda.
  4. Shahaada Macaahidda: sidii loo midayn lahaa, loo aqoonsan lahaa iyo cidda bixinaysa?
  5. Wixii kale ay la garto in laga wadahadlo.

Ugu dambayntii, waxaan rajaynayaa inaad soo ajiibi doontaan kulankaas ay Wasaaraddu idiinku yeertay si looga wadatashado, xal wadajir ahna looga wada gaaro arrimaha aan kor kusoo sheegnay.

Hoos ka Daawo Sawiradda.

IMG_3632 IMG_3633 IMG_3626 IMG_3630 IMG_3631 IMG_3621 IMG_3616 IMG_3624 IMG_3626 IMG_3628 IMG_3644 IMG_3646 IMG_3617 IMG_3618 IMG_3619 IMG_3620 IMG_3621 IMG_3622 IMG_3624 IMG_3623 IMG_3626 IMG_3627 IMG_3628 IMG_3637 IMG_3640 IMG_3642 IMG_3644 IMG_3646

IMG_3633 IMG_3632 IMG_3637 IMG_3635IMG_3616

Scroll to Top