Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo ugu baaqay ardayda iyo bahda Waxbarshada puntland inay abaaraha ka qayb qaatan.

15/11/2016- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare Dr Mohamed cali faarax  iyo xubno kamid ah gudiga abaaraha Waxbarashada maxamed Jaamac yusuf tigay ayaa saaka ardayda Dugsiyada sare ee Magalada garowe ku dhiiri galiyey ardayda inay ka qaybqaan abaraha puntland.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ayaa  Ololaha badbaadinta dadka ku cayroobay abaaraha ku dhuftay miyiga Puntland , Waxaana daahfuray barnaamijkan ololahaa masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Ujeedada barnaamijkan ayaa salka ku haya saddex arrimood oo ay ka mid yihiin , In Wasaaraddu muujiso kaalinta kaga aadan gurmadka abaaraha ka jira dalka,Sidii loogu aruurin lahaa goob kasta oo waxbarasho oo ku taala Puntland Cunto,Dhar,Gogol,Lacag iyo Wixii suurta gal ah iyo Wasaaraddu ka furto Gobol walba iyo Degmo kasta Akoono tababuracaad ah.

Dikreetooyin kazoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ayaa lagu wargaliyay dhamaan masuuliyiinta goobaha waxbarashada ee magaalooyinka inay diyaariyaan qorshahan tababuracaad oo loogu gurmanayo boqolaal qoys oo ku barakacay abaaraha iyo Magacaabida Guddiga Arrimahaas uga shaqeynaya Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre ee Puntland.

Wasiir ku xigeenka  Wasaaradda Waxbarashada ayaa saaka yuusuf tigay ayaa daabuurka kula hadlay aradyda sida dugsiga sare al waxa iyo dugsiga sare ee Gambool.

Waxaana arimaha abaaraha  Sanduuqa Wax lagu kaalmaynayo soo dhaweeyey macalimiinta iyo ardayda Maamulka.

Dugsiga sare ee Gambool ayaa dugsiyada ugu wayn puntland isgoo sanadkii ay ka qalanjabiyaan boqolal araday.

Maxamed Jaamac tigay ayaa ardayda ku dhiiri galiyey howshan qaran inay ka qayb qaatan ardayduna ay tahay xooga kaliya ee dalka.

Ugu danabayntii Gudiga ayaa ugu baaqay aradyda Dugsiyada sare, aradyada Dugsiyada hoose/dhaxe, iyo ardayda jaamacadaha iyo macaahida   iyo dhamaan bahda waxbarashada Puntland iney gacan ka gaysataan wax ka qabashada Abaaraha, oo saamayn ku yeeshay Xoolaha, Beeraha iyo Dadka intaba.

                      Hoos ka Daawo sawirada

dsc00740 dsc00677-copy dsc00678-copy dsc00679-copy dsc00680-copy dsc00681-copy dsc00682-copy dsc00684-copy dsc00685-copy dsc00686-copy dsc00687-copy dsc00689-copy dsc00691-copy dsc00692-copy dsc00693-copy dsc00694-copy dsc00695-copy dsc00696-copy dsc00698-copy dsc00699-copy dsc00701-copy dsc00702-copy dsc00703-copy dsc00705-copy dsc00706-copy dsc00706 dsc00708 dsc00711 dsc00713 dsc00714 dsc00715 dsc00716 dsc00718 dsc00719 dsc00722 dsc00723 dsc00734 dsc00736 dsc00739

 

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare

Please follow and like us face book Wasaaradda Waxbarashada puntland.
Scroll to Top