Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo u soo xiray Tababarkii labaad oo kor loogu qadayey Tayenta Tacliinta sare Jamacadaha.

08/octobar/2015- Wasiirka Ku- Xigeenka  Waasarada Waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland Dr Maxamed Cali Faarax ayaa maaliintii  khamiista ah waxa oo soo xiray tababar afar cisho magalada Garowe uga socday masuuliyiin ka socday Jaamacaddaha Puntland.

Tababarka ayaa salka ku hayay xoojinta waxbarashada gaar ahaan qaybta Tayo-dhowrka Jaamacadda, waxana mudadii uu socday lagu barayay hababka ugu wanaagsan ee barashada sare loosii horumarin karo. ujeedaduna in Lagu tababaro shaqalaha xafiisyada iyo gaar ahaan kuwa Tayeyeynta jamacadaha.

Wasiirka Waxbarashada Wasiir ku xigeenka Dr Maxamed Cali Faarax ayaa gaba-gabadii sheegay inuu ku faraxsan yahay aqoonta iyo waayo aragnimadda wakiiladda Jaamacaddaha Puntland ka faa’iideen tababarka, waxa kale uu kala dardaarmay inay sidaan oo kale ugu faa’iideeyaan cilmiga la baray qaybaha kala ee Jaamacadda ay matalayeen, Waxuuna aad ugu mahad celiyey khabiirkii Tababarka bixinayey Dr koria.

Agaasimaha Tacliinta sare ee Wasraadda waxbarashada Cabdulahi Cali Jaamac ayaa sidoo kale sheegay inay wax wanaagsan u tahay macluumaadka uu macalinka tababarka bixinayay soo bandhigay, taasoo uu yiri u baahan in ficil ahaan loo badalo.

Tababarka ayaa aha  kii labaad oo isku xiga oo loo Qabto Jamacadaha puntland.

Ka dib Waxaa shahadooyin Sharaf la gudoonisiyey Maclimiintii Tababarka Ka soo Qayb gashay Waxaana  gudoonsiiyey Wasiir ku xigeenka wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare iyo Agaasimaha waaxda Tacliinta sare.

 

Hoos ka Daaawo Sawiro Badan.

IMG_1598 IMG_1603 IMG_1607 IMG_1611
IMG_1621 IMG_1622

IMG_1676 - Copy IMG_1675 IMG_1675 - Copy IMG_1669 IMG_1664 - Copy IMG_1662 - Copy IMG_1658 - Copy IMG_1648 - Copy IMG_1645 - Copy IMG_1631 - Copy IMG_1628 - Copy IMG_1622

IMG_1603 IMG_1607 IMG_1631 IMG_1638
IMG_1647 IMG_1652 IMG_1654 IMG_1640 IMG_1603 IMG_1676 - Copy IMG_1616

IMG_1590 IMG_1595

IMG_1676 IMG_1678

By Deeq Maxamed Warsame.

Scroll to Top