Wasiir Ku- Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo ka qeyb galay Munaasibad lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee Horumarinta Afka iyo Dhaqanka

21/Feb/2015,Wasiir ku- xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Ee Dawladda Puntland Dr.Maxamed Cali faarax ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 21-2-2015 ka qeyb galay munaasibad balaaran oo lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee Horumarinta Afka iyo Dhaqanka Aduunka sidookalana waxaa uu dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Afka, Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee xarunteeda Puntland.

Wasiirka ayaa uga Qaybgalay Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa Munaasabada Wayn si fiican ugu baraarujiyey Wasaarada hawlaha shaqo ay u hayso bulshadeeda.

Munaasibadaas ayaa waxaa ka soo qeyb galay  Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wasiiro katirsan Xukuumada Puntland, Waxgarad, Isimo, Dhalinyaro , Haween ku labisanaa dharka hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliya iyo sidookale dhar ka tolan Calanka Puntland iyo kan Soomaaliya.

Wasiirka Ayaa Hadaldiisa Waxaa ka mid ahaa.

  1. Wasaaraddu si ay u xoojiso Afka Hooyo waxay qaaday tallaabooyinka soo socda:
  • Qaabdhismeedka Manhajka oo la ansixiay bishii Janaayo ee sanadkaan waxaa lagu dhamaystiray dhamaan Manhajka ilaa fasalka 12aad.
  • Maaddada Afsoomaaligu waxay ka mid tahay Core subjects oo haddii ardaygu uu ku dhaco uusan shahaado qaadanayn.

Ardayga wuxuu afsoomaaliga qaadanaya laga bilaabo fasalka koowaad ilaa 12aad, fasalka koowaad wuxuu qaadanayaa 7 xiso usbuucii si loo xoojiyo Afka .

Qofku markuu luuqadiisa si fiican u yaqaano oo uu barto ayuu luuqadaha kalana ku fiicnaanayaa hadii Alle idmo, dadkeena dibada jirana waxaan ku baraarujinaynaa inay ilamahooda Af-soomaaliga baraan” Ayuu yiri Wasiir ku -xigeenku.

Waxaa munaasabada soo Wada Agaasmimay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Wasaaradda Warfaafinta iyo hiddahs dhaqanka ee Dowlada puntland.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA

IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND

 Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia.

 

 

 

Scroll to Top