Wasiir ku -xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo ka furay Boosaaso imtixaanadkii shahaadig aha ee Fasalada 8aad iyo 4aad Dugsiga sare.

21/May/2016-Waxaa maanta oo sabti ah si toos u furmay Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland, waana imtixaankii ugu dambeeyey fasalka 12- aad ee dugsiga sare iyo fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe, waxaana imtixaanka lagu qaadayaa 91 xarumood. wasiir- kuxigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare  Dr Maxamed Cali Faarah ayaa imtixaanka ka daah furay iskuulka Raas Casayr  Dugsiga sare  ee Magaalada Boosaso , wuxuuna ardaydayda ku dhiiri galiyey inay waxbarashadooda sii wataan, isagoo u duceeyey, islamarkaana ka waaniyey Tahriibta.

Wasiir ku xigeenka Wasaaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Dr Maxamed Cali Faarah  ayaa faah faahiyey Ardayda Sanadkan u fariisatay Imtixaanka wuxuna sheegay in 3,304 Arday ay yihiin Dugsiyada sare, halka 7,813 ardyna ay u fariisteen imtixaanka fasalka sideedaad ee dugsiga dhexe, waxayna tiradood guud noqonaysa 11,122 Arday guud ahaan Puntland inay sanadkan galeen imtixaanka shahaadiga ah.

Imtixaanka  Fasalka 8-aad sanadkan waxaa galay Arday indhaha la, waxayna noqonaysa markii ugu horaysay oo Soomaaliya ay arday indha la u fariistaan imtixaan shahaadiya siday sheegeen masuuliyiinta wasaaradda waxbrashada Puntland.

Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Bari shamso koonte  ayaa war bixin kooban ka hadashay iyadoo dhamaan xarumaha bari oo imtixaanku ka socda si nabada uga socdaan.

Ardayda ugu badan oo imtitxaanka fariisanaysa ayaa aha Gobolka Bari, Dhamaan Waxaa la adkeeye Xarumaha imtixaamka lagu galayo iyagoo Sanadkaan Ciidamo Dheerada la geeyey xarum kasta oo Puntland ah.

Maxamed Cali Waabari oo ah madaxa  Hay’adda AET ahna kormeeraha kowaad oo ah imtixaamka Boosaso ayaa Sheegay in iskuulka raas casayr markii ugu hoaraysay imtixaanka Puntland Galaan iyadoo xaruntaa dhaxe u ah iskuulo badan oo ka kooban 8 iskuul.

kadib Wasiir ku xigeenka iyo Gudoonka Waxbarashada Gobolka Bari Waxay kormeer ku tageen Dugsiga sare ee Boosaso public oo ah xarun Marti galin, oo imtixaanka waxaana ku galay 4 iskuul oo kala ah Gaarisa, Salahudiin, Boosaso public, iyo White Tower.

Guud ahaan Puntland ayuu imtixaanka maanta ka furmay, waxayna masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ardayda  Imtixaanka gashay alle uga baryeen inuu u fududeeyo.

Madaxa Imtixaanadka Puntland ee wasaaradda waxbarashada Axmed Saahid ayaa sheegay in sanadkan imtixaanku uu uga dawan yahay kuwii hore maadaama sanadkan ay galeen arday aan waxba arag, isagoo dadweynaha reer Puntland faray inay dhiiri galiyaan dadka qaba baahiyah gaarka ah si ay uga sii bataan tirade hadda imtixaanka u fariisatay.

Hoos ka Daawo Sawiardii furitaankii Magalada Boosaso.

IMG_1685 IMG_1685 IMG_1567 IMG_1532 IMG_1685 IMG_1573 IMG_1616 IMG_1620 IMG_1545 IMG_1566 IMG_1615 IMG_1617 IMG_1631 IMG_1592 IMG_1569 IMG_1593 IMG_1618

 

IMG_1590 IMG_1534 IMG_1628
IMG_1558 IMG_1540 IMG_1613 IMG_1538 IMG_1543 IMG_1602 IMG_1601 IMG_1648 IMG_1660 IMG_1649 IMG_1671 IMG_1673 IMG_1650 IMG_1656 IMG_1644 IMG_1654 IMG_1646 IMG_1655 IMG_1657 IMG_1647 IMG_1728

IMG_1749 IMG_1718 IMG_1722 IMG_1720 IMG_1703 IMG_1705 IMG_1724 IMG_1707 IMG_1639 IMG_1597 IMG_1687 IMG_1677 IMG_1732 IMG_1695 IMG_1725 IMG_1599 IMG_1675 IMG_1700 IMG_1723 IMG_1692 IMG_1763 IMG_1753 IMG_1696 IMG_1711 IMG_1709 IMG_1762 IMG_1691

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

Magaaladda Boosaso Xarumaha imtixaamdku ka socdo.

Scroll to Top