Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarahada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa xarigga ka jaray dugsiga hoose/dhexe Kulmiye ee degmda Xarfo ee gobolka Mudug.
Maamulaha dugsiga, Caasho Siciid Aw Aadan, ayaa ka warbixisay dugsiga hannaankiisa waxbarasho:
“Bulshadeenna waxay ubaahantahay in la wacyigeliyo, bulshada la dhexmaro si caruurta da’da dugsiga gaadhay loo diwaangaliyo, sannad walba waa hawl loo baahanyahay, sannadkanna wuu kasii xag jiraa maaddaama uu Koroono Fayras muddo waxbarashadii hakiyay” ayay tiri Murwo Caasho siciid Aw Aadan.
Dugsiga hoose/dhexe Ee Kulmiye ee degmada Xarfo ee gobolka Mudug ee Puntland Soomaaliya ayaa waxaa la aasaasay 1dii August, 2018,
wuxuuna ka kooban yahay saddex fasal, xafiis, bakhaarka kaydka, barkad iyo afar musqulood.
Waxaa dhigta arday illaa fasalka 7aad ah, waxaana la dhigaa labada galin oo u badan arday dan’ yar ah.
Hadal jeedintii xafladda xarigjarka dugsiga hoose/dhexe ee Kulmiye, ayaa waxaa ka hadlay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, Bashiir Jaamac Maxamed, Guddoomiyaha degmada Xarfo, C/qaadir Cumar Maxamed, maamulaha dugsiga Hoose/dhexe ee Kulmiye Caasha Siciid Aw Aadam, nabaddoon C/kheyr Maxamed Maxamuud iyo Shiikh C/salaan Shiikh C/qaadir oo ku hadlayay afka waaliddiinta.
Dugsigan Kulmiye, oo ay baahi wayn u qabeen shacabka magaaladaasi, ayaa waxgaradka iyo shacabka degmada Xarfo ay si wayn u soo dhaweeyeen.
198 160 161 163 164 165 167 168 169 170 180 181 182 184 186 187 188 189 190 191 192 193 195 196