Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo la kulmay Maamulka Jaamacada ifriiqiya iyo Guddiga Caafimaadka Dalka Suudan.

18/January/ 2017 .Wafdiga Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland oo hogaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland Dr Maxamed Cali Faarax ayna Waheliyaan Agaasimaha Waxaada Imtixanaadka Axmed Maxamud Warsame (Axmed Saahid) iyo Saraakiisha Xafiiska Imtixamadka Dowlada Puntlandland oo Maal mahanba ku sugnaa dalka Suudan waxay kulan gaar ah la yeeshay Madaxa Xiriirka arimaha dibada Jaamacada Jaamacada Ifriiqiya Dr. Maxamed Othman iyo lataliyaha Gud. Jaamacada kulan kaani wuxuu ahaa kulan lagu qiimaa lahaa kaas oo waxtar u ah dhammaan ummadda soomaaliyeed gaar ahaan Puntlland Kulan kaan waxaa la isku afgartay.

  1. In la adkeeyo xiriirka u dhaxeeya Wasaaradda iyo Jaamacada Ifriiqiya kaas oo qayb katahay casuumaad loo fidiyay Jaamacada ifriiqiya
  2. Joogtayta deeqdii waxbaraasho oo loo qoondeeyay Puntland sanad walba taas dhan 20 kursi

3.In loo sameeyo qiima dhimis 25% Ardaydii Puntland oo ka mid ah qiimaha waxlugu barto

  1. In la xoojiyo luuqada Carabiga iyadoo loo marayo tababarka macalimiinta dhigta luuqada Carabiga. Sidoo kale wafdigu waxay la kulmeen Guddiga takhasusaadka Caafimaadka Suudaan Waxay ka wada hadleen xaaladda Caafimaad ee Puntland iyo Kobcinta Kaadirka Caafimaadka Puntland.

 

Sidoo kale wali waxaa socda tababarkii hawlwadeenada inmtixaanka Puntland oo ugu socday Xafiiska imtixaamaadka Suudaan

waftigaan ayaa soo dhawayn fiican ka helay madaxda Dalka suudan iyagoo ku mashaquulsan baahinta iyo tayada waxbarsahada puntland.

Hoos Ka Daawo Sawiradda

43 41 43 44 42 41

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare

Scroll to Top