Wasiir Juxa“DKG ah Deeqaha waxbarasho ee Turkiga si siman uma qaybiso”

Wasaarada Waxbarashada dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa si kulul u canbaaraysay Musuqmaasuqa iyo eexda Deeqaha Waxbarashada magaca soomaaliyeed lagu bixiyo ee ay dawlada Turkigu dadka Soomaaliyeed ugu deeqday taasoo shaqsiyaad gaar ahi ay ka baayacmushtaraan,  islamarkaasna si aan cadalaad ahayn loo qaybiyo taasoo ay dawlada Puntland ku tilmaantay mid aan sina loo aqbali Karin iyadoona codsatay in Si cadalaad ah deeqahaas loo bixiyo.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Mudane.Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) oo Maanta Warbaahinta shirjaraa’id ugu qabtay ayaa ugu horayn Hambalyo u diray dadaalka dheeriga ah ee ay dawlada Turkigu ku caawinayso shacabka Soomaaliyeed taasoo uu Wasiirku sheegey in uu yahay mid aan marna la ilaawi Karin, Wuxuu Wasiirku si gaar ah u Amaanay Dadaalka shaqsiyadeed ee Ra’iisul Wasaaraha Turkigu uu ugu horkacayo taageerida shacabka Soomaaliyeed taasoo buu yiri ka markhaati kacaysa Imaanshihiisii Soomaaliya xiligii ay ugu adkayd Macaluusha iyo Colaada oo Sanadkii hore ahayd isagoona sheegey in taasi ay sahashay in Beesha Caalamku ay Indhaheedu soo jiitaan Mushkilada wajiyada badan ee dalka Hooyo ka jirta.

Wasiirka Waxbarashada Dawlada Puntland wuxuu dhaliilay qaabka Musuqmaasuqa ah ee ay dawlada Kumeel gaarka ahi ay ku maamusho Deeqaha Soomaaliya loogu talagalay isagoona sheegey in Dadka imtaxaanada ka gudba oo Reer Puntland u badan laga musuqmaasuqo taasoo uu sheegey inay wax u dhimaysa Sumcad dawlada Turkiga oo uu sheegey inay Bahdil ku noqonaysa, Dhanka kalena Wuxuu Wasaarada Waxbarashada ee Soomaaliya ku eedeeyey in hormuudkeedu uu noqday mid liita amaba aan wax la socon Deeqaha Soomaaliya loogu talagalana lagu kala gato suuqyada.

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top