WASIIR JUXAA OO XILKII WASAARADDA WAXBARASHADA KU WAREEJIYAY WASIIRKA CUSUB EE WAXBARASHADA PUNTLAND

Garoowe: Kulan Ballaaran oo ay xilka kula kala wareegayeen wasiirada Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa ka dhacay Xarunta Wasaaradda ee Magaalada Gatoowe maanta oo ah Febraayo 2, 2014.

Xil wareejintan oo ahayd midii ugu horreysay oo ay xilal kula kala wareegaan Wasiiradii horay xilka uga hayay Puntland iyo Wasiirada cusub ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirkii hore ee Wsaaradda Warfaafinta Oday Axmed Jaamac, dhammaan Agaasimayaasha iyo madax qaybeedada Wasaaradda, Hay’adaha gacanta ka geysta waxbatashada Puntland Arday ka mid ah Ardayda wax ka barata dugsiyada oo lagu marti qaaday iyo marti sharaf kale oo badan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cabdiwahaab Axmed oo ugu horreyn ka hadalay ayaa si kooban uga xog waramay wasaaradda iyo hawlaha ay qabato, waxaana uu mahadcelin ballaaran u jeediayay guud ahaan Shaqaalaha Wasaaradda isagoo sheegay in waxqabadyada badan ee ay wasaaraddu ku faanto ay yihiin kuwo ay u soo hooyeen shaqaalaha ka shaqeeya wasaaradda.

Wasiirkii hore ee xilka wareejinayay ayaa isaguna warbixin tifatiran ka bixiyay wasaaradda Waxbarasha qaybaha ay ka kooban tahay, sida ay u shaqeeyaan isku xirnaantooda, guud ahaan Iskuulaadka Ardayda digata iyo Macallimiinta ka hawlgala, sidoo kale tayayntii waxbarashada ee shantii sano ee la soo dhaafay iyo sida kororka waxbarashadu yahay kaasoo u muuqday mid kobociisu muuqdo.

Wasiirku waxaa kale oo uu warbixintiisa ku sheegay guud ahaan Shaqaalaha wasaaradda tiradooda, Hay’adaha caalamiga ah ee waxbarashada ka shaqeeya iyo qaababka ay u wada shaqeeyaan. waxaa kale oo uu Mudane Juxaa ka hadlay meelaha ugu muhiimsan ee ay xooga saarayeen mudadii uu xilka hayay iyo meelaha ay wax uga dhiman yihiin oo u baahan in hadda kor loo soo qaado, sida Waxbarashada dadka Naafada ah iyo Tacliinta sare.

Warbixinta Wasiir Juhaa oo ahayd mid aad u dheer ayuu wuxuu talo bixino ku siiyay Wasiirka Cusub iyo Wasiir ku xigeenka inay aad ugu dadaalaan isku xirnaanta iyo wada tashiga Shaqaalaha, isagoo qiray in Wasiirka iyo wasiir ku xigeenka cusub ee Wasaaraddu Md. Cali Xaaji Warsame iyo Proff. Maxamed Cali Faarax inay yihiin kuwo u qalma xilkaan ayna aad ugu faraxsan yihiin kuna qanacsan yihiin inay xilka kala wareegaan, wuxuuna u rajeeyey inay kor uga sii qaadi doonaan Wasaaraddu meeshay maraysay.

Dardaaran adag ayuu Shaqaalaha Wasaaradda uga tagay isagoo ka codsaday sidii ay ula shaqeeyeen iyo si ka fiican inay u gacan siiyaan Wasiirada cusub ee ay Wasaaraddu yeelatay, waxaa kale oo uu ka codsaday Hay’adaha ka shaqeeya waxbarshada inay soo dhoweeyaan lana shaqeeyaan nidaamka cusub.

Mudane Juxaa ugu dambayntii Ilaah uga mahad celiyay hawlihii uu u fududeeyey mudadii uu xilka Wasaaradda hayay Shaqaalaha wasaaradana ku ammaanay ina yihiin kuwo waxqabad leh, oo jecel horumarka iyo waxqabadka Dalka.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Md. Cali Xaaji warsame ayaa ugu horreyn u mahadcleiyay Wasiiradii Xilka ka dega,y isagoo qiray inay qabteen Madaxdii iyo shaqaalihii wasaaraddu hawl aad u weyn korna ay u qaadeen kaalintii waxbarashada Dalka.

Md. Cali Xaaji waxa uu sheegay inuu isagu ka soo shaqeeyey hay’ad gaar loo leeyahay, uuna madax u ahaa shaqaale iyo shaqo ka ballaaran middaan isagana aysan jirin wax cabasho shaqo iyo shaqaale oo lootiriyay mudadii uu ka soo shaqaynayay, waxaana uu rajeeyey in Xilkaan culus ee uu hadda qaaday uu ku dadaalayo inuu kor uga sii qaado meesha uu hada joogo, shaqada iyo shaqaalahana aad ugu dadaali doono.

Waxaa kale oo uu ka codsaday Hay’adaha caalamiga ah iny la shaqeeyaan hawlihii ay hayeenna ay ka sii siyaadiyaan, maadaama ay iyaguba yihiin kuwo xilligaan aad loogu tiirsan yahay oo weli loo baahan yahay inay gacan ka geystaan Waxbaridda Dhallaanka soomaaliyeed.

Wasiirku waxaa uu sheegay inuu la socday waxqabadka wasaaradda, waxaana uu sheegay inuu ogyahay sidii loogu hambalyeeyey Shirkii waxbarashada ee ka dhacay Muqdisho sanadkii tagay bartamihiisii, waxaana uu caddeeyey inuusan ku talo jirin inuu xil qabto, balse markii loogu yeeray inuu Wasiir ka noqdo Waxbarasahada inuu horay ka qaatay, ayna ugu wacan tahay waxqabadka maanta laga sheekeeyey.

Md. Cali Xaaji Warsame ayaa guddoonsiiyay Hadiyad Wasiirkii hore ee waxbarashada Mudane Cabdi Faarax Juxaa kaasoo ay u soo diyaariyeen Shaqaalaha Wasaaradda una igmadeen Wasiirka cusub inuu guddoonsiiyo.

Wasiiradii hore ee Waxbarashada iyo Wasiirada Cusub ayaa si toos ah kala guddoomay dekumentiyadii Wasaaradda, waxaana ay ka dib kormeer kooban ku soo mareen qaybaha kala duwan ee Wasaaradda iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee wax ka deggan Wasaaradda iyadoo ay xafiis walba warbixin kooban ku siinayeen madaxda iyo shaqaalaha xafiisyadaasi.

 

Deeq Maxamed Warsame

Garowe

Scroll to Top