Wasaradda Waxbarashada oo wada qorshe lagu tababarayo Macalimiinta Dugsiyaada sare ee Puntland .

Wasaradda Waxbarashada Puntland ayaa waxay wadaa barnaamij balaaran oo lagu tababaro macalimiinta Dugsiyada sare ee Gobaladda Puntland tilaabadaas oo salka ku haysa sidii loo dar dargalin lahaa hormarinta waxbarashada.

Barnaamijka Tababarka Macalimiinta Dugsiyada sare ayaa ka furmay Wasaaradda Waxbarashadda oo uu hoggaaminayo Agaasimaha waaxda tababarka macalimiinta iyo mashaariicda ee wasaradda Mudane Maxamed Cali Farax.(farmayeeri)

Maxamed Cali Faarax ayaa sheegay tababarkan in loo qabtay dadkii Tababarka siin lahaa macalimiinta Dugsiyadda sare iyo sidii dib u eegis loogu samayn lahaa Buuga Tababarka macaliminta wuxuna soconayaa mudo shan cisho ah.

Agaasimaha ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii loo heli lahaa macalimiin ay u dhan tahay qibradooda macalinnimo wuxuna ugu baaqay kooxda dib u eegaysa buuga tababarka macalimiinta inay sida ugu wanagaansan howshaan u gutaan.

Madaxda wasaradda waxbarashada Puntland ayaa wada qiimayn lagu samaynayo heerka ay taagan tahay tacliinta sare ee Puntland iyo sidii aqoonta loo gaarsiin lahaa dadka reer guuraaga ah oo aan fursado fiican u helin waxbarshada.

Daawo Sawiradii tababarka Maclimiinta baxinaysa .

DSC04956 DSC04958 DSC04959 DSC04960 DSC04961  DSC04963 DSC04964  DSC04966 DSC04967 DSC04969  DSC04971   DSC04975 DSC04976 DSC04977 DSC04978 DSC04979

                                               Wasaaradda Waxbarshada Puntland.
                                                     Deeq Maxamed Warsame
                                                     Contact Number: +2525743400
                                                        Deeq.hurre99@gmail.com
Scroll to Top