Wasaradda Waxbarashada oo ka qayb qaadanaysa dhismaha Buundada Sunijiif.

Wasaradda waxbarashada dowladda Puntland ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii looga qayb qaadan lahaa dhismaha Buundada Sunijiif oo ay waxyeelo kasoo gaartay roobabkii dadadka watay ee ka da’ay Gobalka Nugaal dhamaadka sanadkii hore ee 2013-

Haddaba Shir arrintaasi looga hadlayay ayaa ka dhacay Wasarada Waxbarashada waxana furay Wasiir ku xigeenka Wasarada Prof.Maxamed Cali Faarax waxana kasoo qayb galay ku simaha Agaasimaha guud ee waxbarashada  Axmed Maxamud Warsame,Gudoonka Waxbarashada Gobolka Nugaal,Mamulayaasha Iskuulada Garowe iyo Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf.

Waxana lagu gorfeeyay shirkaas sidii dhismaha Buundada iyo kuwo kale ee bur buran looga qayb gali lahaa maadama ay fooda nagu soo haysto xili roobaadkii Gu’ga.

Saddex qodob ayaa looga hadlay oo kale ah 1-in Ardaydda iskuulada iyo Jaamacadaha lagu wacyi galiyo inay ka qayb galaan dhismaha Buundadaasi oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka 2-Ardaykasta inuu bixiyo hal doolar iyo in hal doolar laga gooyo mushaharka uu macalinka qaato. 3- In warbaahinta laga wacyigaliyo bulshada say oga qayb taan dhismaha.

Sidoo kale shirka ayaa lagu qorsheeyay in Culimadda howshan gacanta ku haysa iyo wasaradda waxbarashada ay wada maraan dhamaan Iskuulada ku yaala magalada Garowe taasoo looga dan lee yahay in ardayda lagu wacyi galiyo ka qayb galka dhismaha buundada.

Wasiir ku xigeenka wasaradda waxbarashada Mudane Maxamed Cali Faarax ayaa soo dhaweeyay go’aamada kasoo baxay shirkakan oo sal dhig u ah sidii dhaqaale loogu raadin lahaa dhismaha goobaha ay waxyeeladu kasoo gaartay roobabkii sanadkii hore Puntland ka da’ay.

Prof.Maxamed Cali Faarax ayaa rajo ka muujiyay Ardaydu inay kaalin mug leh ka qaataan hormarka Puntland.

Guud ahaan dhaqaalaha ku baxaya dhismaha Buundada ayaa lagu sheegay inay kor u dhaafayso sagaal boqol oo kun halka qayb ka mid ah lagu amray inay baxshaan hay’addaha caalamiga ah ee Puntland ka shaqeeya.

Tilaabada ay bilowday wasaradda waxbarashada ayaa lagu tilmaamay inay tahay mid wax badan soo kordhin doonta maadama ardaydda lagu wacyi galinayo inay ka qayb qaataan hormarka dalkooda Hooyo.

Daawo sawiradii shirka looga hadlay.

Deeq Maxamed Warsame

Wasaaradda Waxabrashadda Puntland

Contact Number+2525743400

 

 

 

Scroll to Top