Wasaradda Waxbarashada iyo Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Puntland oo ku dhawaaqday natiijada Imtixiaanka Shihaadiga ah

05/julay/2015-Wasarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa maanta oo Sabti ku dhawaaqday Natiijada Imtixaanaadka Shihaadiga ah ee 2014/2015 ka dib munaasibad lagu qabtay xarunta dhexe ee wasaradda.

Kulankan shaacinta ah waxaa goobjoog ahaa madaxda ugu saraysa wasaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, Mamulayaasha Iskuuladda qaarkood, waalidiin iyo Xildhibaano ka socday Baarlamaanka Puntland.

Ugu horayntii Agaasimaha Imtixaanaadka ee wasaradda Mudane Axmed Maxamuud Warsame (Saahid) ayaa ka waramay heerarka uu soo maray Imtixaanka Shaahadiga ah, wuxuna sheegay inay ku guulaysteen sixitaanka Imtixaanka si cadaad ah oo aan wax is-dabo marin ahi ku jirin.

Agaasimaha guud ee wasarada waxbarashada Axmed Cali Shire Keysa ayaa guul ku tilmaamay shaacinta Imtixaanka iyo qaabka loo saxay waxa kale uu hambalyo u diray ardaydii iyo Iskuuladii tobanka sare ee Imtixaanka galay.

Wasiirka waxbarashada iyo ku xigeenkiisa ayaa dhankooda sheegay inay ku faraxsan yihiin nidaamka uu soo maray sixitaanka Imtixaanka Shihaadiga ah ee Puntland, sidoo kale waxay sheegeen inay mar kasta dadaal ugu jiraan sidii loosii horumarin lahaa hanaanka waxbarashada iyo tacliinta sare.

Wasiir Abshir Xaaji Yuusuf ayaa balan qaaday inay deeqo waxbarasho helayaan ardaydda Kaalmaha ugu sareeya Imtixaanka ka galay.

Tobanka Dugsi ee ugu sarreeya Imtixanka

1:-Cumar Samatar Gaalkacyo 78-Arday (A)
2: Gambool Garowe 76-Arday (A)
3: Imaam Nawaawi Bosaso 47-Arday (A)
4: Bosaso Public Bosaso 40-Arday (A)
5: Imaam Shaafici Bosaso 40-Arday (A)
6: Al-Waaxa Garowe 32-Arday (A)
7: Al-Najax Bosaso 31-Arday (A)
8:Shiikh Cusmaan Qardho 23-Arday (A)
9: Al-Muntada Qardho 20-Arday (A)
10: Alfurqaan Baran 19-Arday (A)

Tobanka Arday ee ugu sareeya Imtixaanka.

1: Maxamed Faarax Maxamuud Yuusuf Imaami Shaafici Bosaso A 94.79
2: Maxamuud Axmed Yuusuf Xirsi Cumar Binu Cabdulcasiis A 93.36
3: Axmed Ciise Maxamuud Cilmi Gambool Garowe A 93.07
4: Xirsi Cabdilaahi Xaashi Xuseen Cumar Samatar Gaalkacyo A 92.21.
5: Cabdicasiis Maxamed Cali Yuusuf Imaamu Shaafici Bosaso A 91.50
6: Suldaan Maxamuud Maxamed Jaamac Al-Najax Boosaso A 91.36.
7: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Yuusuf Maxamed AlWaaxa Garowe A 91.29/
8: Cabdiwali Cabdicasiis Jaamac Xuseen Bosaso Public Bosaso A 90.36.
9: Maxamed Ducaale Saalax Faarax Al-Najax Bosaso A 90.71.
10: Cabdilaahi Maxamed Shiikh Doon-Cali Imaamu Shaafici Bosaso A 90.43.

Hoos ka Daawo Sawiradda Xafladii Najiitadda Imtixamadkii Dugsiyada F4.

IMG_0204 IMG_0205 IMG_0206 IMG_0207

IMG_0204

IMG_0218 IMG_0219 IMG_0220 IMG_0221 IMG_0222

 

IMG_0227
IMG_0232 IMG_0235 IMG_0237 IMG_0254 IMG_0255 IMG_0256

 

IMG_0234 IMG_0235 IMG_0258 IMG_0259 IMG_0260 IMG_0261 IMG_0262 IMG_0263 IMG_0270

IMG_0274 IMG_0275 IMG_0277 IMG_0280 IMG_0282 IMG_0283 IMG_0284 IMG_0285 IMG_0286

 

 

Xafiiska Warfaafinta Wasaaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada puntland.

By Deeq Maxamed Warsame.

Scroll to Top