Wasaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo soo gaba-gabaysay Tababar ku saabsan dhismaha waxbarashada nabada.

16/feb/2015,Wasaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa maanta oo Isniin ah magalada Garowe tababar labo maalmood socday ugu soo gaba-gabaysan 70-dhalinyaro ah oo ka kala yimi gobalada Puntland, kuwaasoo lagu taba-barayay horumarina waxbarashada iyo dhismaheeda, maadama dhowaan la meelmariyay qaab dhismeedka Manjahka waxbarashada.

Xiritaankiisa waxaa ka qayb galay tababarkan saraakiil ka socda wasaradda waxbarashada iyo waliba Hay’adda la yiraahdo AET oo maalgalisay qabsoomidiisa.

Furitaankiisa waxaa hadal ka jeediyay Agaasimaha guud ee wasaradda waxbarashada iyo tacliinta sare wuxuna sheegay inay muhiim tahay sidii loogu howlgali lahaa in dib dadka loogu celiyo xog aruurintii laga soo sameeyay ee ku saabsanayd Manjahka waxbarashada, sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay inay ka go’an tahay diyaarinta manjahka waxbarashada Dugsiyadda hoose, dhexe iyo sare.

Ugu danbayntii dhalinyaraddii tababarka kasoo qayb gashay oo Ragg iyo Dumar isagu jiray ayaa ka mahad celiyay aqoonta ay ka faa’iideen, waxayna sheegeen inay ku dabiqi doonaan howlahooda.

Hoos Ka Daawo Sawiradda

DSC_00071 DSC_00041 DSC_00032 DSC_0030 DSC_0029 DSC_0006 DSC_0008 DSC_0011 DSC_0014 DSC_0021 

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA

IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND

 Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia.

 

Scroll to Top