Wasaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Puntland oo ic-laamisay xilliga Imtixaamka Shihaadiga la qaadayo.

10/May/2015-Wasaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday xilliga la qaban doono furitaanka Imtixaanka Fasaladda 8-aad iyo 12-aad ee Dugsiyadda Puntland.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo la hadlayay Radio Daljir isagoo howlo shaqo u jooga dalka Kenya gaar ahaan magalada Nayroobi ayaa sheegay 23-ka bishaan aan ku jirno inuu dhici doono Imtixaanka Shihaadiga ah, kaasoo aan waxba ka badalnayn nidaamkii hore loogu qaadi jiray.

 Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa docda kale wax laga waydiiyay Saamaynta goobaha waxbarashaddu ku yeelatay roobabkii dhowaan ka da’ay magalada Gaalkacyo, wuxuna sheegay arrintaasi inay soo gaartay hase yeeshee aysan wax saamayn ah ku yeelan doonin Imtixaanka dhici doono.

Wasiirka  ayaa sidoo kale wax laga waydiiyay waxyaabaha uga soo qabsoomay kulamadii waxbarashadda ku saabsanaa uu la yeeshay masuuliyiin kala duwan oo ku sugan dalka Kenya. Waxuuna Ku jawaabay:

“Waxaan ka wada hadalnay sidii loo xoojin lahaa Imtixaamaadka guud ee Puntland ay qado sanad kasta oo waqtigeeda la joogo iyo sida taageero uga gaysan karaan,sido kale waxaan ka wada hadalnay Soomaaliya Mustaqbalkeedu wuxuu ku xiran yahay dhinaca Waxbarashadda,arrintaas waan ka wada hadalnay,waxaan la kulanay sido kale World Bank qaybta Waxbarashadda u qaabilsan oo aan gaar ahaan Xoogga saarnay Siyaasaddaha Tacliinta’’.

 

S

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA

IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND

 Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia.

Scroll to Top