Wasaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo 10-Haween ah Jaamacad Suudaan ah u dirtay

13/Dec/2015- Wasaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Dowladda Puntland ayaa  xarunteeda magalada Garowe kulan sagootin ah ugu samaysay 10-haween ardey ah oo Jaamacad looga helay wadanka Suudaan.

Sagootintan waxaa kasoo qayb galay wasiirka waxbarashada, agaasimaha guud ee wasaradda, iyo masuuliyiin kale oo xarunta ka tirsan.

Agaasimaha guud ee wasaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Axmed Cabdi Cali Shire (Kayse) ayaa sheegay haweenkan oo ka baxay dugsiyada sare ee Puntland in waxbarasho deeq ah wasaraddu uga heshay wadanka Suudaan ayna muhiim tahay inay ka faa’iidaystaan fursadan qaaliga ah.

Kulankan sidoo kale waxaa ka hadlay Agaasimaha waaxda qorsheynta waxbarashada Asma Cabdiqaadir, Agaasimaha kobcinta iyo horumarinta gabdhaha Faadumo Shugri, agaasimaha waaxda tayeynta manhajka iyo kormeerka waxbarashada Cabdiqaadir Yuusuf, waxay dhammaan masuuliyiintaasi ku dheeraadeen fursadan ay haleen gabdhahan ardayda ah iyo sida looga baahan yahay inay uga faa’iidaystaan.

Ugu danbeyntii wasiirka waxbarashada Puntland Abshir Yuusuf Ciise ayaa ugu hambalyeeyay ardaydan deeqda waxbarasho ka helay wadanka Suudaan, waxa kale uu sheegay inay mar kasta ka go’an tahay wasaraddu sidii kor loogu qaadi lahaa deeqaha waxbarasho gaar ahaan tan haweenka.

Wuxuu kula dardaarmay inay fursadan ka faa’iidaystaan maadama waxbarasho lacag la’aan ah heleen, ayna dib ugu soo laabtaan wadanka iyagoo aqoon yahan ah.

Ma ahan markii ugu horaysay wasaradda waxbarashada deeq waxbarasho u heshay ardayda ka qalin jabiyay dugsiyada sare ee iskugu jira ragg iyo dumar.

 Hoos ka Daawo Sawirada
IMG_9663

IMG_9673
IMG_9663

IMG_9673

IMG_9683

IMG_9686

IMG_9689

IMG_9692

IMG_9705

IMG_9716

IMG_9717

IMG_9720

IMG_9722

IMG_9728

IMG_9740

IMG_9748

IMG_9749

IMG_9764

IMG_9767

IMG_9780

IMG_9788

IMG_9792

IMG_9794

IMG_9799

IMG_9801

IMG_9804

IMG_9806

IMG_9813

IMG_9817

IMG_9818

IMG_9821

IMG_9825

IMG_9826

IMG_9834

IMG_9842

IMG_9846

IMG_9850

By: Deeq Maxamed WarsameEmail.Deeq.hurre99@Gmail.comTell- +25257743400

 

 

 

Scroll to Top