Wasaradda waxbarahada Puntland oo sagootisay arday deeq waxbarasho heshay.

27/09/2014,Garowe,Masuuliyiinta Wasaradda Waxbarashada Puntland iyo tacliinta sare ayaa maanta kulan sagootin ah u sameeyay kow iyo tab arday oo ka mid ah afar iyo toban arday oo deeq waxbarasho looga helay Dalka Suudaan.

Kulankan ayaa ka qabsoomay xarunta wasaradda waxbarashada waxaana goob joog ahaa Wasiirka Waxbarashada Mudane Cali Xaaji Warsame iyo ku simaha Agaasimaha guud ee Wasaradda Waxbarashada, waxayna kula dardaarmeen inay si hufan uga faa’iidaystaan fursadan waxbarasho oo ay ka helleen Suudaan oo ka mid ah meelaha deeqaha ugu badan Somalia ka hesho.

Ardaydaan oo gabdho ah ayaa darajooyin wanaagsan ka helay imtixaankii dhowaan la shaaciyay ee fasalka afaraad ee Dugsiyadda sare Puntland, waxay dhankooda sheegeen inay ku faraxsan yihiin deeqdan waxbarasho oo ay Suudaan ka helaan iyo sida ay ugu dadaaleen masuuliyiinta waxbarashada.

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

 

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE EE DOWLAADDA PUNTLAND,

 

Scroll to Top