Wasarada waxbarashada Puntland oo ku dhawaaqday xiliga la qaadayo Imtixaanaada Shihaadiga ah.

Xili ardayda Dugsiyadda ama fasalada 8-aad iyo 4-aad ee dhexe iyo sare Puntland ay u diyaar goobayaan galitaanka Imtixaanaadka shihaadiga ah ayaa maanta wasaradda waxbarashada Puntland waxay ku dhawaaqday xiliga la qaadayo Imtixaanadaasi.

Wasiirka waxbarashada Puntland Mudane Cali Xaaji Warsamae oo shir jara’id ku qabtay xafiiskiisa maanta ayaa sheegay Imtixaanaadka Shigaada ah ee fasalada 8-aad iyo fasalka ugu danbeya ee dugsiyadda sare la qaadi doonta maalinta Sabtdia ee taariikhdu ay ku beegan tahay 24-ka.

Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay qaadista Imtixaanaadka Shihaadiga ah inuu ka gadisan yahay sanadkan kuwii hore maadama ay u diyaariyeen 96-Kormeere iyo Ilaaliyaal la soconaya qaabka Imtixaanka loo qaadayo.

Wasiirka waxbarashada Puntland ayaa wax laga wadayay Is-badalka waxbarashada ku yimi sanadkan iyo tiradda ardayda u fariisanaysa inta ay leeg tahay wuxuna sheegay sanadkan inuu ka badan yahay sanadkii hore ayna kordheen ardayda u fariisanaysa Imtixaanaadka Shihaadiga ah ee Puntland.

Haddaba hoos ka daawo Sawirradda Kulankii uu wasiirka waxbarashada Puntland  uu laqaatay kormeerayasha qaadya imtixaamka.

DSC04347 DSC04350 DSC04341 DSC04323 DSC04319 DSC04310 DSC04307 DSC04303 DSC04322 DSC04298 DSC04299

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasaaradda Waxbarshada Puntland.
Deeq Maxamed Warsame
Contact Number: +2525743400
Deeq.hurre99@gmail.com
Scroll to Top