Wasarada waxbarashada PL oo soo bandhigtay daraasad ka hadlaysa waxbarashada Haweenka

Garowe :16/10/2012

Xarunta Wasaarada Waxbarashada Dowlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa maanta agu qabtay kullan ballaaran oo ay kasoo qayb galleen macalimiinta gabdhaha, masuuliyiinta wasaarada waxbarashada iyo sarakiil ka socday hay’ada wasaarada kala shaqeeya dhanka waxbarasahda.

Kullankan waxaa soo qaban qaabisay qaybta horumarinta waxbarashada Dumarka ee wasaarada,waxaana lagu soo bandhigay daraadaad ay ku sameeyeen waxbarasahda haweenka mudo 4-bilood ah ,taasoo ku tusaysay in hoos u dhac baahsan waxbarashada haweenku ay ku timi.

Agaasimaha guud ee wasarada waxbarasahda Puntland oo ugu horayntii ka hadlay kulanka ayaa sheegay wasarada waxbarashada inay ahmiyad ballaaran siisay sidii loo horumarin lahaa waxbarashada haweenka iyo adeeyada kale ee ay u baahan yahay,wuxuna farta ku fiiqay inay aad u hoosaysa waxbarasahda dumarka marka loo fiiriyo tan raga taasna ay cadayn u tahay inay ka niyad jabeen haweenka dhanka horumarinta waxbarasahda.

Mudane Maxamad Cabdiwahaab ayaa ballan qaaday inay kor usii qaadi doonan sidii waxbarashada haweenka loo horumarin lahaa, inta u socdayna kulanka waxaa lagu soo bandhigay daraadaaska ay sameeyeen wasarada waxbarashada qaybta haweenka ,waxaana cadaatay haweenka inay dhibaato badan kala kulmaan xiliyada waxbarashada ay ku jiraan iyo waliba xitaa kuwa macalimiinta ah waana mida kaliya ee maanta la sheegay in loo baahan yahay sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashada haweenka .

Agaasimaha qaybta horumarinta waxbarashada haweenka ee wasarad Faadumo Shugri oo madax kaso noqotay dugsiga sare ee Ganbool ayaa sheegtay inay aaad u liidato waxbarashada haweenka,taasina ay sabab u tahay faquuq badan oo haweenka lagu hayo iyo adeegyadii ay u baahnaayeen oo ay waayeen.

Inta uu socday kulanka waxaa lagu lafu guray sidee baa looga qayb qaadan karaa waxbarashada haweenka siiba kuwo Puntland ,iyo qaabkii loo dhiiri galin lahaa kuwo macalimiinta ahi.

Caasho Cabdirashiid Cilmo oo ka mid ahayd haweenka dhibaatada kala kulmay dhanka waxbarashada ayaa goobta kasoo jeedisay khudbad dhamaan dadkii meesha fadhiyay ka ilmaysiisay,waxayna taabatay xanuunka ay lee dahay hadii waxbarashada lagu dhibo haweenka’Aniga dhibaato ayaan kala kulmay waxbarashada waxaan ahaa macalin waxaana goobtii aan wax ka dhigayay kala kulmay dhib aan guud ahanba uga haray macalinimada xitaa shaqada macalinada waa layga buriyay sababo la xariiro xanuun uu gaar  ahaa”.

‘’Marka anoo ku hadlaya magaca macalimiinta haweenka Puntland waxaan wasarada ka codsanayaa inay wax ka badalaan qaabkaani waxbarashada loo hago iyo sida haweenka loola dhaqmo xiliyada ay waxbarida ku jiraan”.

Ugu danbayntii waxaa go’aan lagu gaaray in sare loo qaado waxbarashada haweenka taasuu tusaale ahaan kuugu filin (Hadii aad Gabadh wax barta qoys dhan ayaad wax bartay basle hadii aad hal wiil wax barta hal qof ayaad waxbartay)

Wasarada waxbarasahda wax xooga saartay sidii loo horumarin lahaa waxbarasahda haweenka oo la sheegay inay dhulka taalo ,looba baahan yahay in kor loo qaado.

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top