Wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Puntland oo kulan la qaadatay saraakiil ka socda UNDP

27/May/2015-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland Cali Xaaji Warsame iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare  Dr.Maxamed Cali Faarax ayaa maanta xafiiska Wasaarada ku qaabilay saraakiil ka socda Hay’adda UNDP gaar ahaan qaybta horumarinta shaqaalaha.

Wasiir Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa marka uu soo dhammaaday kulankan waxa uu ka warbixiyey waxa ay kawada  madaxda u timi qiimaynta iyo dib u eegista qaab dhismeedka Wasaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare qaybaheeda kala duwan iyo sidoo kale maamulka iyo xeerarka degsan.

Wasiirka Wasaaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Wasaradda Waxbarashadda arrimahaasi ka taageerto Hay’adda UNDP.
Momodou Dibbe oo UNDP u qaabilsan xafiiska Copacity Develment and Programme ayaa muujiyay inuu ku faraxsan yahay sharaxaadka qaab dhismeedka Wasaradda ee uu ka halay madaxda Wasraada waxbarashada iyo tacliinta sare.

Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa ka mid ah wasaradaha ugu tunka wayn, marka loo eego howlaha ay gacanta ku hayso oo ah aqoonta dalka iyo Guud ahaan Waxbarashada puntland.

Hoos Ka Daawo Sawirada.

IMG_2028 IMG_2029 IMG_2030 IMG_2035 IMG_2037

Scroll to Top