Wasaraada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dawladda Pl ayaa hirgalisay barnaamij Soft ware cusub oo Computerized ah oo lagu la soconayo Dhamaan xogta Waxbarashada Puntland.

12/11/2018- Wasaraada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dawladda Pl ayaa hirgalisay barnaamij Soft ware cusub oo Computerized ah oo lagu la soconayo Dhamaan xogta Waxbarashada Puntland.

Barnaamikan Computrized ah oo cusub ayaa markii ugu horeysay sahlaya soo gudbinta, la socodka iyo kaydinta Waxbarashada deeganada Puntland , waxaana xarunta Wasaaradda waxbarshada lagu qabtay munaasabad kooban oo lagu soo gabagabaynayey tababar socday mudo Saddex maalmod ah.

Tababarkan iyo faa’idooyinka barnaamijkan cusub oo ay hirgalisay shirkad laga leeyahay dalka Hindiya ayaa waxaa bixinayey Tababarka Madaxa Emista ee Waxaada Qorshaynta ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare Jaamac bulshaale iyo Eng ismaaciil oo dhashay dalka Hindiya iyo khabiir ku xeel dheer arimaha software casriga ah eng Axmed Colaad.

Iyagoo u hagar baxay sadex maalmood ugana faiideyeyey casharo hormar fiican laga samayn karo iyo shaqalaha Waaxda qorshaynta ahmiyada waxbarashadu u leedahay in la helo xog dhamaystiran oo ku saabsan dhamaan Waxbarshada Puntland.

Ujeedada Tabarkan ayaa ka hadashay Agaasimaha Waaxda qorshaynta ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare Asmaa C/qaadir Maxamed oo ku tilmaamtay in New software Agabkan Casriga naga saacidi doono shaqadii dhibka badanayd oo manaul ahayd in la soo koobay oo loo daadajiyey Gobolada xogta Emistana looga soo xaraynayo Gobolada.

Waxaa dhamaan lagu tababaray shaqalaha dhexe iyo heer gobol ee Waxbarashada Puntland iyadoo u tahay maamul dajin xogta Waxbarashada Puntland, iyadoo Wasaaraddu ubahan tahay in la helo xog dhab ah oo lagu kabidoono waxyaalaha la hiigsanayo mustaqbalka dhow.

Wasiir Dowlaha Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare Yaasiin Cabdi seed ayaa ku adkeyey in shaqalaha loo tababaray agabkan casriga ah iyo xogta Waxbarashada inaysan dayicin lagunala xisaabtamayo masuuliyad gooniya ay ka saaran tahay gobol walba.
Wasiir Dowlaha Waxabarashada ayaa yiri Dhib badan ayaa loo soo maray agabkan Computrizedka ah lakin waa ina ka faii’daysanaa waxtarna ka helnaa si loo helo waxbarasho xog fiican xambarsan iyo mid tayeysan.
Wasiir Dowlaha Waxbarashada iyo Tacliinta sare Mudane Yaasiin seed waxaa kalo mahad celin u soo jeediyey dhamaan shaqalaha ka fa’iidaystay tababarkan iyo Compny sida wanagsan ula shaqayeeyey Wasaarada Waxbarashada Puntland.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare Abshir Yuusuf Aw Ciise oo tababarka soo xiray isagoo la dardarmay shaqalihii qaatay tababarka isagoo ku tilmaamay tani guul wanagsan u tahay bahda Waxbarashada Puntland.
Wasiirka ayaa sheegay in shaqalaha gobolada hormar wanagsan ka samayn doonan xogta Emista iyadoo adeegsanaya agabkan casriga ah.
Wasiirka waxaa kalo yiri mudo intee la eg bay nagu qaadatay in la helo agabka noocan ah balse waa helnay lakin waa inay sidii la rabay looga soo baxaa. Waxaa kaloo kala dardaarmay shaqalaha Gobolada agabkan waa ina biyaha, korantada looga tagin, boorka iyo ciida laga ilaaliyaa iyo waxii cilad ku keenaya Aganka ,taxadar badana ka samaysaan.

Hoos ka Daawo sawirdda.

IMG_9948

IMG_9922 IMG_9923 IMG_9924 IMG_9925 IMG_9926 IMG_9927 IMG_9928 IMG_9930 IMG_9932IMG_9948

IMG_0962 IMG_0965 IMG_0966 IMG_0596 IMG_0598 IMG_0601 IMG_0602 IMG_0638 IMG_0716 IMG_0717 IMG_0720 IMG_0722 IMG_0725 IMG_0732 IMG_0733 IMG_0757 IMG_0761 IMG_0762 IMG_0763 IMG_0764 IMG_0765 IMG_0766 IMG_0770 IMG_0773 IMG_0775 IMG_0776 IMG_0777 IMG_0778 IMG_0783 IMG_0785 IMG_0786 IMG_0787 IMG_0789 IMG_0790 IMG_0791 IMG_0794 IMG_0795 IMG_0798 IMG_0799 IMG_0800 IMG_0801 IMG_0803 IMG_0804 IMG_0807 IMG_0819 IMG_0820 IMG_0821 IMG_0823 IMG_0824 IMG_0825 IMG_0828 IMG_0832 IMG_0834 IMG_0835 IMG_0846 IMG_0847 IMG_0856 IMG_0858 IMG_0859 IMG_0861 IMG_0867 IMG_0868 IMG_0870 IMG_0871 IMG_0872 IMG_0876 IMG_0889 IMG_0890 IMG_0941 IMG_0942 IMG_0943 IMG_0944 IMG_0945

 

 

By Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaarada Waxbarshada iyo Tacliinta sare

Scroll to Top