Wasaardda Waxbarshada iyo Tacliinta sare Tiradda Macalimiinta Puntland oo la kordhiyey iyo mushaharkooda oo dib loo saxay

Janaury /2/ 2016 .Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland waxay dib uhabayn iyo diiwaan galincasariyasan ay ku samaysay dhamaan macalimiinta Puntland khaas ahaan macalimiinta ku jirta diiwaankaDowladda (Government Payroll) waxayna tiradooda dhantahay 1,195 macalin.

Waxaa lasaxay xaquuqda kala duwan ee macalinka sida mushahar , gunno iyo nidaamka shaqo gudasho ee loo asteeyey inay raacaan macalimiinta Puntland taas oo dhamaan macalimiintu si joogta ah u helayaan mushaharkooda waxayna ka bilaabatay bishii December ee sanadkii tagay 2016. Waa markii kowaad ee hawshaas la dhaqangaliyo, waxayna ku dhamaatay guul iyo Mahad Allah.

Waxaa lagu kordhiyey tiradaas 922 macalin oo lagu daray diiwaanka Dowladda taas oo tirade guud ee macalimiinta ka dhigaysa 2,117 macalin laga bilaabo bisha kowaad ee 2017

Waxaa howshaas kawada qayb qaatay madaxda sare ee Wasaaradda , Agaasinka Macalimiinta iyo Farsamada Gacanta ,Agaasinka Maamulka iyo Maaliyada , Gudoomiyaasha Gobolada iyo Dagmooyinka ee Waxbarashada,

Wasaaradda Waxbarashado waxay Mahad gaar ah u celinaysaa Wasaaradda Maaliyada khaas ahaan Wasirka iyo Xafiiska Xisaabiyaha guud oo qaybwayn ka qaatay dhaqan galinta howshaan lagu saxayo xaquuqda iyo waajibaadka macalimiinta Puntland.

Sidoo kale waxay Wasaaraddu u mahad naqaysaa xafiiska uqaabilsan arimaha Somalia ee Word Bank oo kataageeray Dowladda fulinta waajibaadkaas muhiimka u ah Bulshada waxbarashada jecel ee Puntland.

Scroll to Top