Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare oo dhagax dhigtay Duggsi sare Al- Xigma ee Magalada Garowe.

22/April/2017- Wasaaradda  waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland  ayaa  duleedka bari ee magaalada Garowe ka dhagax dhigay dugsi sare oo uu yeelan doono Iskuulka hoose/dhexe ee Al-Hikma.

Dugsigaan oo loo qaabeeyay hab casri ah ayaa ka koobnaan doona 15 qol, Masjid, 5 suuli, meherad, iyo goob gabdhu ku nastaan.

Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha dugsigaan waxaa bixinaysa hay’adda Jordian Hashimi Charity Organization, Waxaana dhisaysa Ha’yadda Islamic Relief.

Maamulaha dugsiga Hoose/dhxe Al xigma  oo isna hadlay jaamac siciid  ayaa ka hadlay baahiyaha ka taagan dugsiga sare ee Al- Xigma  oo uu sheegay waxii kale oo dheerad ah  in laga sugayo  Wasaaradda Waxbarshada wuxuuna dawladda Puntland ku amaanay mashaariicda arrimaha bulshada waxtarka u leh ee ay ka fulinayso bulshadeeda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Puntland Maxamed Cabdiqaadir Cismaan ayaa sheegay dugsigaan inuu ahaandoono mid casri ah oo si weyn uga duwan dugsiyada kale, lehna habraaca dowladdu u dajisay xarumaha waxbarashada.

Wakiilada ka socday hay’addaha Islamic Relief iyo Jordian Hashimi oo dhagax dhiga ka halday ayaa sheegay dugsigaan inuu yahay midkii saddexaad oo ay ka hirgelinayaan Soomaaliya, iyagoo sheegay inay kusoo gaba gabayndoonaan muddo 7 bilood ah.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare Dr Maxamed Cali faarax  oo hadal kooban jeediyey ayaa dugsiga sare ee Al xigma ku amaanay kaalintii ay ka qateen gurmadkii abaaraha inay ardayda Al xigma sifiican uga qayb qaateen.

Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland Abshir Yuusuf Ciise ayaa sheegay dugsigaan cusub ee la hirgalinayo inuu qeyb ka yahay siyaasada balaarinta waaxbarashada Puntland, Wuxuuna sheegay wasiirku inuu dugsigaan ahaandoonin kii koowaad ee laga dhisayo Puntland.

Wasiirka waxbarashada ayaa u mahad celiyay hay’adda Jordian Hashimi Charity Organization oo ku deeqday dhaqaalaha lagu dhisayo dugsigaan iyo hay’adda Islamic Relief oo dhisaysa dugsiga.

Wasiirka waxbarashada ayaa u mahad celiyay hay’adda Jordian Hashimi Charity Organization oo ku deeqday dhaqaalaha lagu dhisayo dugsigaan iyo hay’adda Islamic Relief oo dhisaysa dugsiga.

Hoos Ka Daawo Sawiradda

By:Deeq Maxamed Warsame.

Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare

Scroll to Top