Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare oo daahfuray wajigii labaad mashruuc ku saabsan taageerada iskaashiga caalamiga ah ee waxbarashada Puntland.

23/10/2017- Global Partnership for Education oo $5.6 milyan oo doolarka Mareykanka ah
ugu deeqdey waxbarasho tayo leh oo ay helaan carruurta ku nool Dowladgoboleedka
Puntland ee Soomaaliya
 
Garoowe, Puntland, Soomaaliya, 23 Oktoobar 2017 – Global Partnership for
 
Education/Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada (GPE) waxaa uu ku faraxsan yahay
in uu ku dhawaaqo in deeq $5.6 milyan oo Doolarka Mareykanka ah la siinayo Puntland.
 
Deeqda waxaa hawlaheeda hirgelin doona Wasaaradda Waxbarashada ee Puntland si ay
wax uga qabato baahiyaha iyo culeysyada kala duwan ee waxbarashada ee guud ahaan
dhulka dowlad-goboleedka ka dhisan waqooyiga bari ee dalka. UNICEF ayaa ah wakiilka
deeqda, USAID ayaa iyana ah hay’adda isu duweysa hawlaha GPE ee guud ahaan
Soomaaliya.
 
Deeqda ayaa diiradda saari doonta xoojinta Wasaaradda Waxbarashada iyada oo loo
marayo karti-dhisid iyo taageero farsamo oo ku aaddan sidii ay adeegyo taabo gal ah oo
hufan ay u siin lahayd carruurta la gacan-bidixeeyo ee ku nool Puntland. Waxaa ay
tiigsaneysaa in ay sii xoojiso tayada barista iyo barashada iyada oo loo marayo tababarka
macallimiinta, soo saarista agabka barashada ee aad ka loogu baahan yahay wax ka
qabashada caqabadaha hortaagan helidda waxbarashada iyada oo la bixinayo deeqo
waxbarasho.
 
“Taageerada laga heley Global Partnership for Education waa mid ay aad u soo
dhoweyneyso Puntland,” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland,
 
Professor Abshir Aw-Yusuf Ciise. “Waxaa ay gacan inaga siineysaa xaqiijinta himiladeenna
ah nidaam waxbarsho oo tayo leh oo hubinaya oo dhiirri gelinayana guul ay gaaraan
bartayaasha, isaga oo awood u siinaya in ay helaan oo ay doortaan waxyaabo ay ku
qanacsan yihiin oo ay noloshooda ku saleeyaan.”
 
Deeqda ayaa taageeri doonta carruur tiradoodu tahay 2,650 oo ka soo jeeda qoysaska ugu
saboolsan, sidaana waxaa ay ku caawin doontaa qoysaska.
“Maalgelinta muhiimka ah ee wax lagu barayo carruurta ku dhaqan Puntland waa mid
muhiim u ah samaqabkooda iyo dhisidda Soomaaliya nabad iyo barwaaqo ku
naallooneysa,” ayuu yiri Steven Lauwerier, Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya. “
 
Waxaa jirtabaahi aad u ballaaran oo loo qabo waxbarashada. Qoysasku ma mooga muhiimadda ay
leedahay waxbarashada oo horey ayaan u soconnaa annaga oo ka faa’iideysaneyna
wada-shaqeynta wanaagsan ee aan la leenahay Wasaaradda Waxbarashada ee
Puntland.”
 
Sanadihii dhowaa, is-qorista ardayda eei skuullada hoose/dhexe ayaa korodhey, laakiin
waxaa jira carruur tiro badan oo soo gelaya iskuullada waxaana xaddidan awoodda ay
iskuulladu ku qaadan karaan dhammaan carruurtaas, wax badan oo kale ayaa loo baahan
yahay in la qabto si loo hubiyo in ilmo kasta uu helo waxbarasho tayo leh. Puntland waxaa
weli jooga 200,000 carruur ah oo aan iskuul dhigan, kuwaas oo u baahan in adeeg
waxbarasho la gaarsiiyo.
 
“Hawsha GPE ee Soomaaliya iyo Puntland waxaa ay diiradda saareysaa sii xoojinta kartida lagu sii wanaajinayo u-sinnaanta iyo helidda waxbarasho tayo leh, iyo sii wanaajinta barista iyobarashada,” ayaa ay tiri Alice Albright, Sarkaalka Fulinta ee ugu Sarreeya eeGlobal Partnership for Education. “Deeqdan waxaa ay kumanaan carruur ah oo kunool Puntland ka caawin doontaa in ay iskuullada tagaan, ay ku negaadaan iskuullada ayna wax ka bartaan macallimiin leh aqoontii loo baahnaa.
 
Soomaaliya waxaa ay la-hawlgale ka tirsan Global Partnership for Education ahayd tan iyo sanadkii 2012kii. Tan iyo waagaa lacag wadarteedu tahay $14.5 milyan ayaa loo qoondeeyey Soomaaliya sanadihii 2013 ilaa 2016. Maaliyadda ay hadda GPE siineyso guud ahaan dalka Soomaaliya waa ku dhowaad $33 milyan Doolarka Mareykanka ah, iyada oo $9.6 milyan ay heleyso Somaliland, $5.6 milyan ay heleyso Puntland iyo $17.9 milyan oo ay heleyso Dowladda Federaalka ah.
 
Ku saabsan Global Partnership for Education
Global Partnership for Education (GPE) waxaa ay dalalka soo koraya kala shaqeysaa hubinta in ilmo kasta u helo waxbarasho aasaasi ah oo tayo leh, iyada oo mudnaan siineysa kuwa ugu saboolsan, kuwa ugu nugul iyo kuwa ku nool dalalka tabar-darran ama ay saameysey colaad.
 
GPE waxaa ay abaabushaa maaliyado la siiyo waxbarshada waxaana ay dalalka soo koraya gacan ka siisaa abuurista nidaamyo waxbarasho oo taabbogal ah oo ay aasaas u yihiin qorsheyaal iyo siyaasado caddeyn la taaban karo ku dhisan. Wada-hawl galayaasheeda waxaa ka mid ah dalalka soo koraya, ururro caalam iah (multilateral organizations), deeq-bixiyeyaal, ganacsiga gaarka loo leeyahay, macallimiin, bulshada rayidka ah/NGO-yo, iyo mu’asasooyin gaar ah.
 
Macluumaad dheeri ah ka eeg www.globalpartnership.org oo nagala soco Facebook, Twitter iyo Instagram
Warbaahinta waxay la soo xiriiri karaan; Alexandra Humme, +1 202 458 5511; ahumme@globalpartnership.org
Ku saabsan Wasaaradda Waxbarshada iyoTacliinta Sare ee Puntland
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, waxaa ay mas’uul ka tahay dhammaan arrimaha la xiriira horumarinta iyo bixinta adeegyada waxbarashada.
 
Arrimahaa waxaa ka mid ah siyaasadaha waxbarashada horumarinta manaahijta, iyo imtixaannaadka qaran ee dhammaan heerarka kala duwan ee waxbarashada, bixinta shahaadooyinka, kormeerka iskuullada iyo macaahidda waxbarashada, kor joogteynta iyo qiimeynta.
 
Tani waxaa ay waafaqsan tahay qorsheyaasha horumarinta ee Puntland, kuwaas oo ah kuwo Qorshaha Istiraatiijiga ah ee Waaxda Waxbarashada uu la jaanqaadayo uuna wax ku biirinayo.
Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo hawsheeda ka eeg:
 
www.moepuntland.com
Deeq Maxamed Warsame, Garoowe Puntland Soomaaliya, +252 907 743 400, deeq.hurre99@gmail.com
1D1A0320 1D1A0108 1D1A0113 - Copy 1D1A0177 1D1A0186 1D1A0285 1D1A0288 1D1A0311 - Copy 1D1A0316
1D1A0375 1D1A0370 1D1A0365 1D1A0361 - Copy 1D1A0360 1D1A0332 1D1A0328 1D1A0311 - Copy 1D1A0293 - Copy 1D1A0286 1D1A0285 1D1A0282 1D1A0273 1D1A0272 1D1A0262 1D1A0263 1D1A0257 1D1A0260 1D1A0250 1D1A0251 1D1A0193 1D1A0190 1D1A0130 1D1A0186 1D1A0378
Scroll to Top