Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta Sare Ee Dawlada Puntland oo dhagax dhigtay dhisame cusub oo lagu kordhinayo dugsiga sare ee Suldaan Hurre ee Degmada Xarfo

01.04.2015:  Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Waxbarahada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa maanta hawlo shaqo ku tagay degmooyinka Buurtinle iyo Xarfo oo ka kala tirsan Gobolada Nugaal iyo Mudug.

Ujeedada safarkan ayaa isku jiray dhagax dhigid lagu sameynayay dugsiga Sare ee Suldaan Hure ee degmada Xarfo. Waftiga ka socday Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa waxay soo dhoweyn kala kulmeen Maamulka degmada, maamulka iyo macalimiinta iskuulka iyo dhammaan shacabka reer Xarfo.

Waftiga uu Wasiirku hogaaminayay, waxaa ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarshada iyo Tacliinta Sare Mudane Dr. Maxamed Cali Faarax, Agaasimaha Guud ee Wasaarada iyo saraakiil ka tirsan xarunta dhexe ee wasaarada waxbarashada.

Dr. Cali Xaaji Warsame  ayaa dhagax dhigay qaybo cusub oo lagu kordhiyey dugsiga Sare ee Suldaan Hurre ee degmada Xarfo. Waxaa sidoo kale dugsida lagu wareejiyay agab waxbarasho. Qaybta cusub ee maanta la dhagax dhigay ayaa iskugu jirta 3 fasal oo cusub iyo meel loogu talo galay in gabdhuhu gaar u leeyihiin.

Waftiga ayaa u soo gudbay degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal, isla markaasna u kuur galay xaalka waxbarasho ee degmada ka jira.

 Daawo sawirada dhagax dhigida dugsiga Sare ee Suldaan Hurre ee degmada Xarfo:

2 3

4


Scroll to Top