Wasaaradda Waxbarashasda iyo Tacliinta sare oo Tababar seddex Maalmood u soo xirtay Qayb ka mid ah shaqaalaheeda Xarunta dhexe.

26/11/2017- Tababarkaan ayaa waxaa loo qabtay shaqalaha Wasaaradda Waxbarashada  iyo Tacliinta sare ee dowlada Puntland waxaana uu ku saabsanaa Maaraynta Musiibooyika Waxbarashada waxaana uu kamid yahay mashruuca Waxbarashada deg deg ah   oo Wasarada iyo  hay’addaha kala ah Save The Children  iyo UNECEF bahwadaag ku yihin.

Agaasimaha Waaxda Waxbarshada Tooska ah Murwo Maryan Jaamac Xuseen ayaa waxaa ay sheegtay tababarkaan uu kaabayo mashruuca Emergancy Education oo ah mashruuc deegaanka lagu ilaaliyo waxaana masuuliyiinta labarayay qaabka ay xalin karaan khilaafaadka ka shaqaynta  Dugsiyadda.

Murwo Maryan Jaamac Xuseen ayaa waxay sheegtay in shaqaalaha tababarka qaadanaya in looga bahan yahay in casharadaan ku shaqeeyaan madama wasaaradu  shaqalaheeda shaqada lagu Tabbabaray macluumad badan oo faaiido u leh waxtarka waxbarashada..

Wasaaradda Waxbarsahada iyo Taclinta sare ee dowlada Puntland aya waxay  gaarsiisay gurmadyo kala duwan loona sameeyo biyo dhaamis iyo cuno la gaarsiiyey Goobaha waxabarsahada ee fog fog.

Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare C/qaadir Yuusuf Nuux oo Tababarkan 3 maalmood soo xiray ayaa ka hadlay ayaa yiri in la fahmo yaraynta khataraha ku saabsan ama ka dhicikara iskuulada,

Waxaa kalo yiri  waa in la ogaado Muhiimada ay leedahay in caruurta lala yeesho macaamilo toos ah in la sheekaysto lalana fariisto.

In caruurta laga wacyigaliyo khataraha ku imaan kara

In aan iskuul laga dhisin meel aan ku haboonayn oo khatari ka imaan karto.

Hoos Ka Daawo Sawiradda

DSC_0157 - Copy DSC_0159 - Copy (2) DSC_0152 - Copy - Copy DSC_0151 - Copy - Copy DSC_0149 - Copy - Copy DSC_0146 - Copy - Copy DSC_0144 - Copy - Copy DSC_0143 - Copy - Copy DSC_0142 - Copy - Copy DSC_0141 - Copy - Copy DSC_0140 - Copy - Copy DSC_0139 - Copy - Copy DSC_0136 - Copy - Copy DSC_0134 - Copy - Copy DSC_0126 - Copy - Copy DSC_0137 - Copy - Copy DSC_0124 - Copy - Copy DSC_0084 - Copy - Copy DSC_0081 - Copy - Copy DSC_0079 - Copy - Copy DSC_0077 - Copy - Copy DSC_0074 - Copy - CopyDSC_0174DSC_0173DSC_0171 - CopyDSC_0170 - CopyDSC_0169 - CopyDSC_0168 - CopyDSC_0167 - Copy

 

By; Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare.

 

Scroll to Top