Wasaaradda waxbarashadda iyo wasaaradda Haweenka Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa shalay xarunta wasaradda haweenka ku qabtay dood cilmiyeed ku aadan dhowrista xaquuqda caruurta Barakacayaasha waxana kasoo qayb galay dad ka socday Xarumaha Barakacayaasha Garowe.
Waxaa diiradda lagu saaray kulankan ka hortaga dhibaatooyinka caruurta loo gaysto iyo sidii xaquuqda ay lee yihiin loo ilaalin lahaa waxana dooda ka hadlay dadkii ka socday xeryaha Barakacayaasha oo sheegay inuu aad usii yaraanayo gudniinka Fircooniga ah oo mid ay dadka Soomaaliyeed qaarkood aamin san yihiin.
Labadan wasaaradadood ayaa sanadkan iska kaashaday sidii loo qaban lahaa xuska maalinta caruurta Africa oo ku beegan maalinta barito ah 16-ka June iyadoona dadyow kala duwani ay kasoo qayb gali doonaan munaasibadaasi.
Baraxada Scholka Darwiish ayaa loo qorsheeyay inay ka dhacdo waxana qayb gali doona wasaradda waxbarashada qaybaheda kala duwanay oo horkacayso Sahra Kooshin maalmihii lasoo dhaafay wadeen qaban qaabada diyaarinta munaasibadaasi.
Wasiirka wasaaradda waxbarashadda ayaa fariimo badan kaga hadlay maalina 16 dhalaan africa.